Shiinaha Oo Sheegay Inay Arkaan Wax Loo Malaynayo Burburka Diyaaradii Malaysia

0
634

Picture5Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Dayax gacmeed laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa Sabtidii shalay helay walax looga shakisanyahay inay tahay burburka diyaaradii Malaysia ee la waayay 8 March, waxaana walaxdaas lagu arkay koonfurta badweynta Hindiya, oo ah halkii uu laba maalmood ka hor ku arkay dayax gacmeed laga leeyahay dalka Australia.

Diyaaradan la waayay oo dunida hal xidhaale ku noqotay, waxa shalay uu Shiinuhu xaqiijiyay in dayax gacmeedkoodu uu arkay walaxdaas oo biyaha badda dhex sabaynaysa, waana isla goobtii uu dayax gacmeedka Australia ku arkay laba walxood oo iyaguna sabaynaya, waxaana loo diray maraakiib soo xaqiijisa. “Waxaan hayaa warka uu I soo gaadhsiiyay safiirka shiinaha ee ah in dayax gacmeedkoodu uu qaaday sawiro ah walax sabaynaysa, waxaanay halkaas ku u direen maraakiib soo xaqiijisa.” Sidaas waxa yidhi wasiirka gaashaandhiga Malaysia.

Baadi-goobka diyaaradan waxa kale oo si weyn u gu hawlan 26 dawladood oo ay ugu orod badantahay dawladda Australia.  Baadigoobka ayaa wuxuu ka socdaa goob ka tirsan Koonfurta Badweynta Hindiya, taas oo qiyaastii 2,500 oo KM dhanka Koonfur galbeed kaga began magaalada Perth ee Australia.

Diyaaradda ayaa la waayay 8 March oo ay ka kacday wadanka Malaysia, waxaana saarnaa 239 ruux oo u badnaa wadanka shiinaha. Ehelada dadkaas ayaa ka niyad jabsan baadi goobka diyaaradan oo qaatay dhawr toddobaad.