Sheekada Xidiggii Hore Ee Kubadda Cagta, Ronaldinho Oo Laba Dumar Ah Mar Keliya Hal Xaflad Ku Guursanaya

33
3423

Brasília (Geeska)- Xiddigii hore ee kubadda cagga xulka qaranka Barasiil iyo kooxda Barcelona, Ronaldinho ayaa dabayaaqadii bishii hore go’aan ku gaadhay in uu hal mar munaasabad keliya ku wada arooso laba dumar ah oo uu xidhiidh jacayl la leeyahay.

War lagu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Ronaldinho oo 38 jir ah ayaa sheegay in bisha Siddeedaad (Ogosto) ee sannadkan aynu ku jirno, uu xaflad aroos oo keliya ku wada guursan doono Priscilla Coelho oo 35 sano jir ah iyo Beatriz Souza oo 31 sano jir ah. Labadan dumar ah ayaa tan iyo bishii Diisambar ee sannadkii 2017 waxa ay xiddiga hore ee kubadda cagta kula noolaayeen qasriga uu ku leeyahay magaalada xeebta ku taalla ee Rio de Janeiro, dalka Baraasiil. Gurigaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan 5 Milyan oo Giniga dalka Ingiriiska ah.

Sannadkii 2016 ka ayaa uu xiddiga hore ee Barcelona iyo PSG uu haasaawaha la bilaabay Beatriz, laakiin xilligaas uu gabadhan la haasaawayey waxa uu hore ugu sii xidhnaa oo xidhiidh adag iyo axdi guur u yaallay gabadha kale ee Priscilla oo ay sannado badan isku xidhnaayeen.

Warbixinaha laga qoray qisada xiddigan labada dumar ah guursanaya ayaa lagu sheegay in uu mid kasta oo ka mid ah siiyey lacag meher ah oo u dhiganta 200 oo kun oo doolarka Maraykanka ah. Dadka ka agdhowina waxa ay xaqiijinayaan in Ronaldinho uu labadiisa dumar ah si isku mid ah ugu geeyo hadyadaha. Xafladda arooska lagu wadaa in ay ka dhacdo xaafad dadka maalqabeenka ahi degaan oo ku taallada isla magaalada Rio de Janeiro.

Waxaa xusid mudan sharciga dalka Baraasiil uu mamnuucayo in ninku uu hal mar labada dumar ah wada guursado, ciqaabta ninka sidaas yeelaana ay gaadho illaa 6 sano oo xabsi ah. Laakiin Ronaldinho isaga lama xidhi doono, oo waa uu ka si itaxaddaray in uu sharcigani qabto. Kaddib markii uu diiday in uu guurkiisan labada dumar ah ka dhigo mid sharci ahaa nsax ah oo ay kaniisaddu isu guurisay. Waxa aanu ku kaaftoomayaa xaflado iska caadiya oo aanay natiijo sharci ah ka dhalanayaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here