Shahaado Jaamacadeed Oo Basaasnimada Lagu Baranayo Ayaa Markii Ugu Horreysay Dunida Laga Bilaabay

30
8069

London (Geeska)- Horumar waxbarashada ku cusub oo xiise gaar ah yeeshay ayaa ay noqotay markii jaamacad magac leh oo ku taalla dalka Ingiriisku ay ku dhawaaqday barnaamij waxbarasho oo cusub oo noociisa aan hore loo arag, laakiin ay run tahay in loo baahan yahay.

Barnaamijkan waxa ay jaamacaddu  ku sheegtay in uu ka jawaabayo baahiyaha nolosha casriga ah iyo kacaanka waqtigan xoogga badan ee tiknoolajiyadda. Jaamacadda Buckingham oo ku taalla dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in barnaamijkan cusub ee ay bilowday lagu baranayo dhinacyada ammaanka, sirdoonka iyo khatartaha dhinaca tiknoolajiyada ee jira. Marka uu ardaygu dhammaystana waxaa la siinayaa darajo cilmiya oo dhinaca basaasidda caalamiga ah.

Wargeyska Metro ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo warkan faafiyey ayaa ka soo xigatay Julian Richards oo ah agaasimaha barnaamijkan, in barnaamijyada dhinaca xidhiidhka caalamiga ah ee imika lagu barto jaamacaduhu, aanu ku filnayn in ay buuxiyaan waxyaabaha soo kordhay sannadihii u dambeeyey oo la socda isbeddelada iyo horumarka ay tiknoolajiyaddu ku socoto.

Richards oo 20 sano ka soo shaqaynayey waxbarashada sirdoonka, isla markaana ah khabiir ku xeeldheer arrimaha dalka Pakistan, ayaa sheegay in barnaamijyada barashada xidhiidhka caalamiga ah ee imika dunida ka jiraa, ay si aad ah xoogga u saaraan ‘Waxyaabaha dhiirrigelinaya dagaalak argagaxisada. Laakiin aanay ka warramin Tabaha iyo farsamooyinka cusub ee ay tahay in loo adeegsado argagaxisadan.

Richards waxa uu wargesyak Metro u caddeeyey in ardayda jaamacaddan wax lagu barayaa ay cilmibaadhis ku samayn doonaan jidadka cusub ee ku soo kordha shaqada wakaaladaha sirdoonka. Barnaamijkan waxbarasho ee cusub ayaa ay jaamacaddu bilaabaysaa bisha koowaad ee innagu soo fool leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here