Sandbursiimo Doonka Shakhsiyaad Ka Mida Xukuumada+ Saami Qaybsiga Ergooyinka + Codadkii Xisbigu Ka Helay Sadexdii Doorasho Ee Gobolada Iyo Dagmooyinka

Published on Mar 19 2014 // Maqaalo

MAQMarkay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye
Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye
Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane
Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo
Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya
Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye

Abwaan:Mohamed Ibrahim Warsame (hadraawi)-Gabaygii Gudgude

Tani iyo xiligii la mudeeyay qabsoomida shirwaynaha saddexaad ee xisbiga kulmiye, waxa isa soo tarayay caqabado iyo khilaafyo horlleh oo inta badan xisbiga kaga imanayay masuuliyiinta xukuumada, kuwaasoo farogalin toos ah iyo mid dadban oo lagu camaalaqayo habsami u socodka hawlaha qabanqaabada shirwaynaha saddexaad ku hayay. Xisbiga oo ka soo gudbay murankii ka dhashay gudidada qaban qaabada ayaa kooxdii ku caan baxday doco docaynta xisbiga kulmiye waxay murankii iyo isqab qabsigii u wareejiyeen saami qaybsiga ergooyinka iyagoo heshiiskii ay gaadheen golaha fulinta iyo hogaanka xisbigu  ee lagu ansixiyey tirada ergooyinka iyo Nidaamka  ergada lagu qaybsanayo oo ah codadkii xisbigu ka helay saddexdii doorasho gobolada iyo degmooyinka ay muran iyo qabyaalad ku bilaabeen lana dhextageen gudidii qaban qaabada .

Faalladeenan waxaynu ku iftiimin doonaa, go’amadii ka soo baxay kulankii gudida fullinta ee 12/03/2014kii ee lagu heshiiyay ergooyinka, Waxaynu sidoo kale soo bandhigi doonaa codadkii uu xisbigu ka helay gobolada iyo dagmooyinka saddexdii doorasho ee ugu danbeeyay, sida tii wakiilada ee 2005tii, tii Madaxtooyada ee 2010kii iyo Tii golaha deeganka ee 2012kii, waxaynu is barbardhig ku samayn doonaa ergooyinka uu gobol waliba xaqa u leeyahay marka loo eego codadkii uu kulmiye ka helay iskugaynta saddexdii doorasho, iyo Sadbuursima doonka Shakhsiyaad ka mid ah Xukuumada oo uu horkacayo madaxwayne ku xigeenku oo ay madax martay qabyaaladu

GO’AMADII KA SOO BAXAY KULANKII GUDIDA FULINTA EE 12/03/2014

Kulan ay gudida fulinta ee xisibga kulmiye iskugu timid 11/03/2014 kuna qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga, oo lagaga arinsanayay sidii loo dardargalin lahaa hawlaha diyaargarawga shirwaynaha 3aad ee xisibga kulmiye, ayaa dooda iyo falanqayn dheer ka dib layskula qaatay afar qodob oo kala ah:

Ansixinta xubnihiii badalka kusoo galay guddida qaban qaabada ee shanta xubnood ahaa

kordhinta tirada xubnaha ergada ee ka qayb galaysa shirwaynaha 3aad oo laga dhigay 941 xubnood

Ogolaanshiyaha in gole dhexe loo aqoonsado 50 xubnood oo ururkii xaqsoor ah iyo 20 xubnood oo ururkii jamhuuriga ahaa

Ugu danbayntii waxa laysla ogolaaday in hogaanka  xisbigu xalliyo wixii ku adkaada qaban qaabada dhinaca ergooyinka ee la soo diyaarinayo

Hadaba  akhriste go’ankii gudida fulinta ee gudida qaban qaabada loo gudbiyay si loo dar dar galayo shirwaynaha xisbiga, ergooyinkana lagu qaybsado codadkii xisibigu ka helay gobolada iyo dagmooyinka sida shirwaynihii 2aad ee xisbiga loogu qaybsaday ergooyinka doorashadii parlaimentka ee 2005tii. Hadaba iyadoo shaxdan hoos ku xusani si faah faahsan inoo tusayso gobolkastaaba codka uu xisbigu ka helay iyo inta ergay ee uu xaqa u leeyay, ayaa waxa jirta in madaxwayne ku xigeenka qaranka oo ku fadhiya codkii shacabka ee bari ilaa galbeed, uu u tafo xaytay , sandbursiimo raadinta gobol iyo beelo gaar ah, taas oo cadaalad daro iyo dhabar jab ku ah dadkii codka siiyay iyo habsami u socodka shirwaynaha xisbiga kulmiye, Akhriste bal ku naso shaxdan hoos ku qoran, kana bogo codadka gobolada iyo percentage uu gobolkastaaba xaqa u leeyay, si dagana u dhaado ergayda uu gobolkastaaba xaqa u uyeeshay

SHAXDA CODADKII 3DII DOORASHO

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!