Salaadiin Iyo Odayaal Ka Digay In Saldhig Milatari Laga Kireeyo UAE

0
602

Hargeysa(Geeska):- Qoorweynta Salaadiinta, Cuqaasha, Boqorada iyo Madax-dhaqameedka deegaan ahaan ka soo kala jeeda Beelaha Garxajis, ayaa si adag uga soo horjeestay saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadku ay ka hirgelinayso magaalada Berbera, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in aanay marnaba aqbali doonin saldhiggaasi Ciidan iyaga oo sida oo kale Mudaharaado waaweyn ugu baaqey guud ahaan shacabka reer Somaliland in ay kaga soo horjeestaan saldhiggaasi.

1

Madaxdhaqameedkan kala duwan oo kala ahaa Suldaan Axmed Cawad, Boqor Raabi, Suldaan Axmed Caddo-gude, Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir, Caaqil Bulbul Cabdi, Caaqil Cabdiweli Budhyare, guddoomiyaha Tallo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen, Odey Xariir Dhako-buur iyo Caaqil Maxamuud Dirir, ayaa mar ay shalay warbaahinta kul hadlaayeen magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay sheegeen in Saldhiggaas Milatari ee Imaaraadku uu khatar weyn ku yahay shacabka iyo qaranimada Somaliland.

Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Saldhiggaas Milari uu dhibbaato weyn ku keenaayo shacabka Somaliland isaga oo tibaaxay in aanay jirin illaa hada wax cad oo ay xukuumaddu umadda u sheegi karto waxa ay ku dhaafsatay.

“Saldhiga Milatari marka la bixinaayo ama la isa siinaayo, runtii waxyaabo fara badan bay salka ku hayaan, dhib iyo dheef labada ba way yeelan karaan, laakiin maanta waxa muuqata in aan wax dheef ahi halkaas ku jirin ee dhib uun ay tahay, arrintaas na waa saldhiga Milatari oo ujeedada ugu weyn ee loo danayaa ay tahay in dagaalka gacanka Cadmeed ka socda loo adeegsado, waxaan ognahay in umaddani ay in badan ku soo jirtay dhibbaato iyo dagaal, markaa in wadan kale oo la jaar ah ay colaadi kaga furanto diyaar uma aha, umaddana wax ay nabad-galyadaas ay ku naaloonayaan ay dhaafsan karaan ma jirto, waxaanu ka dareen celinaynaa in aanay maanta maalinteedii ahayn, waxaanan lee yahay maanta khasaare kasta oo ay lee dahay wax Ictiraaf ka yar oo arrintaas looggu badheedhi karaa ma jirto.”.Jiif Caaqil Jaambiir

Jiif Caaqil Cabdiweli Budhyare oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Maanta marka ay dawladdeenu lee dahay Milyan iyo Laba boqol baanu ku kireynay dee sida caruurta ayey u hadlayaan, waanu ognahay imika in lacagta horumarinta ah oo kaliya ay tahay 25Milyan oo dollar oo xaqul qalinka ah, kirada na sida la sheegay waxa ay ku kireeyeen baa la yidhi 25Milyan oo dollar laakiin Milyan iyo Labadan boqol in ay dadka ku khiyaameeyaan uun bay ugu talagaleen oo kooxdan Madaxtooyada joogtaa waa Koox Maafiya ah, waayo waa nin dalkiisii khiyaameynaaya oo aan wax cad sheegayn oo waxyaabaha noocan oo kale ah marka aad qabaneyso illaa boqol sanno ayaa laga fakeraaa. Hada ba anagu hadaanu nahay madaxdhaqameedka, waxaanu lee nahay marnaba ma aqbali doono, waanan ka soo horjeednaa saldhiggaasi.”.Ayuu yidhi Jiif Caaqil Budhyare Suldaan Axmed Caddo-gude oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aanay marnaba aqbali doonin Saldhiggaas Milatari, waxaana uu yidhi:- “Baahida ugu weyn ee dalkan iyo dadkani ay qabaan muddo 25sanno ahi waxa weeye in ay aqoonsi caalami ah ay caalamka ka helaan, dawladdan markii la dooranayeyna ujeedka loo doortay waxa uu ahaa in dalkan horumarin la gaadhsiiyo, aqoonsi caalami ahna loo raadiyo laakiin in ay dilaaliin wax xaraashaan ay noqdaan oo maalin walba seylad taagan oo cid walba gacanta u dhiibaaya dee umaddani umey dooranin. Arrintaas saldhiga na anagu raali kama nihin, waanan ka soo horjeednaa, shacabka na waxa aanu ugu baaqeynaa in ay codkooda diidmada ay ka muujiyaan arrintaas.”.

Odey Xariir Dhako-buur oo isna hadlay, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyey in aan Xukuumadda loogga dulqaadan doonin dhibbaato dambe oo ay u horseedo shacabka Somaliland, isla mar ahaantaana ay maanta dagaal ka xigaan in Saldhiggaas Milatari laga hirgeliyo Somaliland.

“Xukuumadda waxa aan lee yahay inan xumaatay farsamo hore ayey ku baxsatay oo ay ku badbaaday se tan maanta haddii aad is tidhaahdaan ku dhaqaaqa oo hawl-geliya kuma badbaadi doontaan, dalkana maanta ma noqonaayo dal nabad-gelyo darro laga abuuro oo saldhig shisheeye oo dal Islaam ah laga ga duulaayo laga sameeyo oo qax, barkac iyo fool-xumo dambe ka dhacdo diyaar uma nihin.weli ba angu marka la isla qaad qaado waxa aan ka soo jeedaa gobalka Saaxil, mana yeelayno oo dagaal baanu ka xigeynaa arrintaas, gacan baanu ka xigeynaa oo wax badan oo hore ayaad ku badbaadeenee tani maaha tii aad ku badbaadeyseen maanta .”.Ayuu yidhi Xariir Dhako Buur

Guddoomiyaha Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen oo isna hadlay, ayaa waxa uu shacabka ugu baaqey in maalinta Axadda ee socota ay ka mudaharaadaan Saldhiggaas Milatari oo la horkeenaayo Golaha Wakiilada Somaliland.

“Shacabka waxa aan lee yahay ha la soo baxo oo ha lagu mudaharaado oo labada guri ee Baarlamaanka ha looggu daato oo beri mooyee saadambe marka la fadhiisanaayo qof walba nin Baarlamaan ah ha dhinac fadhiisto. Waar waa in aynu iska qabanaa inamadan la doortay ee dhaqaalaha iyo codka ba uu reer wali ba ku lumiyey ee maalintaas qado siisanaayo qaranimaddii waa in aynu iska qabanaa. “.Ayuu yidhi Xasan Xuseen

Boqor Raabi  oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda hada jirtaa ay qaranka u horseeday dhibbaatooyin aad u badan. “Waxa aan taageerayaa oon taageersanahay hadalkaas odeyaashu ku hadleen dhammaantii, waana sida ay tahay, cidda aan la hadlayaana maaha budhcadda is urursatay e’ aynu hore ba u aragnay ficilkeeda ee waayo iyagu waxa ay istaahilaan in inta meelaha ay joogaan looggu daato la soo qab-qabto oo Maxkamad la wada taago, taas bay istaahilaan iyagu se shacabkaan la hadlayaa oo waxa aan lee yahay waad arkeysaan waxa dhacaaya, waad arkeysaan waxa la idiin ku sheekeynaayo, maalintii dhaweyd waxa la doonaayey in la qaxiyo shirkadda Telesom oo meel Allaale iyo meel ay ka soo gasho dhibbaatadaa lagu eedeeyey aanay jirin, maanta na dhacdadan baa ku xigta oo la doonaayo in dalka lagu haligo.”.Ayuu yidhi Boqor Raabi.