Saacada Ku Habboon Cabbista Bunka Iyo Sababta Aanu Cabbitaanka Caffiene Ta Lihi Waqtiyada Qaar U Fiicnayn

0
4551

Hargeysa (Geeska)- Haddii aad tahay dadka jecel in subaxda hore ay cabbaan koob bun ah oo ay caajiska hurdada iskaga reebaan, isla markaana uu ku kordhiyo firfircooni ay ku galaan hawlmaalmeedkooda, waxa aad ogaataa in sida ay khubarada caafimaadku caddeeyeen saacadda aad cabtaa ay saamayn ku leedahay illaa heerka uu koobkaasi wax kuu tarayo.

Waxa kale oo aad ogaataa in khubarada caafimaadku ay ku talinayaan in ay fiican tahay in jidhka subaxda hore fursad loo siiyo in uu isagu iskii u soo saaro hormoonnada masuulka ka ah in jidhku si buuxda u baraarugo, taas oo ka fiican in aad cabto bun si aad jidhka ugu dirqido in uu hormoonkaas degdeg u soo saaro.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa aynu ku eegaynaa xidhiidhka ka dhexeeya waqtiga aynu bunka cabbayno iyo saamaynta uu bunku ku yeesho firfircoonida jidhka.

Muhiimadda hormoonka Cortisol?

Caadi ahaan marka uu qofku hurdada ka tooso subaxdii, maadada Cortisol ee jidhkiisa ku jirtaa ay si tartiib-tartiib ah kor ugu soo kacdo halka ugu sarraysana ay gaadho marka ay saacddu tahay 8 illaa 9 subaxnimo. Taas oo macnaheedu yahay in saacadahaasi ay yihiin kuwa ay jidhka iyo maskaxda qofku ugu baraarugsan yihiin.

Waxa ay khubaradu sheegeen in cabbitaanka bunka iyo guud ahaan cabbitaannada leh maadadda Caffiene aanay qofka waxba ku kordhin marka uu sarreeyo heerka maadadda Cortisol ee jidhkiisu, waayo waxa ay Kaafiyeentu tari lahayd ayaa ahaa in ay maadaddan kor u qaado tiina waa ay jirtaa. Waxaa iyaduna dhici karta in bunka oo la cabbo xilli jidhku uu soo wada saaray xaddigii uu u baahnaa ee hormoonka Cortisol.

Waqtiga ugu fiican

Baadhitaannadaas kadib waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in waqtiga ugu fiican cabbista bunka subaxa hore ay tahay in ka soo toosidda hurdada iyo bun cabbista loo dhexeysiiyo hal saac, si loogu beego marka uu jidhku si fiican u soo wada tooso, loogana taxaddaro in la cabbo xilli aanu jidhku u baahnayn.

Waqtiyada kale ee uu qofku bunka cabbi karo waxa ay khubaradu ku sheegeeninta u dhexeysa 5:30 galabnimo illaa 6:30 fiidnimo, wixii waqtigaas ka dambeeyana waxa ay aad ugu taliyeen in aan la cabbin bun iyo xitaa cabbitaannada kale ee ay ku jirto maadada Kaafiyeentu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here