Xikmadda ku jirta Qisada Sarkaal Gumaystihii Ingiriis Ka Mid Ahaa Iyo Nin Hindi Ah Oo Uu Dhirbaaxay

37
3545

Hargeysa (Geeska)- Beryihii uu Ingiriisku gumaysiga ku haystay Hinda ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu sarkaal ka mid ah gumaystuhu uu dhirbaaxay muwaadin Hindi ah. Ninkii Hindiga ahaana uma uu yaraysan ee si degdgeg ay ayaa uu falkan xad gudubka ku ahaa uga jawaabay, oo sarkaalkii Ingiriis waxa uu ku dhuftay feedh aad u miisaaman oo dhulka u tuuray.

Sarkaalkii Ingiriis aad ayaa uu uga cadhooday in nin Hindi ahi kuba dhiirraday in uu gacan u soo taago, waxa uu si degdeg ah ugu tegey taliyihii haystay ciidanka gumaystaha ee uu ka tirsanaa, waxa aanu ka dalbaday in ninkaas Hindiga ah loo dilo.

Sarkaalka Ingiriiska ahi waxa uu ku doodayey in haddii aan ninkaa Hindiga ah la dilin ay dhici doonto in Hindi badan oo kalana ay gacanta kula soo dhiirradaan askarta iyo saraakiisha Ingiriiska. ‘Si aanay taasi u dhicin waa in ninkan la dilaa oo uu cashar ugu noqoto cid kasta oo laga yaabo in ay si uun gacan ugula soo dhiirran lahayd ciidamada boqoradda Ingiriiska.

Taliyihii Ingiriis oo qudhiisu aan jeclaysan tallaabadaas uu Hindigu ku dhirbaaxay sarkaalka Ingiriiska ah, ayaa qaaday tallaabo aad uga duwan tii uu dalbaday ninka sarkaalka ahi ee dilka ahayd. Waxa uu sarkaalkii u dhiibay lacag dhan 50 kun oo Rubbi, waxa aanu u sheegay in uu ninkii Hindiga ahaa u tago oo inta uu falkii dhirbaaxada ahaa e euu isagu ku horreeyey ka raalli geliyo, lacagtana xaal marin u siiyo.

Ninkii Hindiga ahaa oo faqiir ahaa, hadyaddii waa uu aqbalay, waxa aanu go’aansaday in uu lacagtan ka dhigto raasamaal uu ku bilaabo ganacsi fiican. Muddo gaaban gudaheed ganacsigii waa uu koray oo uu gaadhay meel fiican, ninkiina waxa uu ka mid noqday ganacsatada la yaqaanno. Markaas ayaa uu taliyihii Ingiriis oo muddadaas dheerba dusha kala socday xaalka wiilkan Hindiga ahi, waxa uu u yeedhay sarkaalkii Ingiriis ee uu ninka Hindigu dhirbaaxay. Waxa aanu faray in uu imika mar kale booqdo ninkii Hindiga ahaa. Waxa uu u sheegay in uu ku booqdo gurigiisa waqti ay la joogaan gacanyareyaashiisa, ilaaladiisa iyo marti kalaba. Kaddibna inta uu hor istaago iyaga oo dadkaas oo dhami arkayaan uu dhirbaaxooyin darandoorri ah dhabanka kala dhaco.

Sarkaalkii Ingiriiska ahaa sidii ayaa uu yeelay, waxa se markan la yaab ku noqotay in ninkii Hindiga ahaa ee maalintii hore hal dhirbaaxo ka xumaaday uu maanta isaga oo weliba magac leh uu ka raalli noqday dhirbaaxooyin badan, oo weliba jawaabta uu ka bixiyey ay noqotay dhoolla caddayn munaafaqad ah.

Sarkaalkii Ingiriis waxa uu ku noqday taliyihiisii waxa aanu uga warramay sida wax u dhaceen. Isaga oo weliba taliyaha ugu celcelinaya in ninku aanu ninkii dabeecadda xumaaba ahayn oo akhlaaqdiisii isbeddel aad u weyni ku dhacay. Laakiin taliyihii oo marka horeba arrintan xikmad fog uga socday waxa uu sarkaalkii ugu jawaabay, “Markii hore, ninkan Hindiga ahi waxa uu haystay karaamadiisa oo keliya, adduun kale iyo wax u soo raaca oo uu ku dooran karaana ma’ ay jirin, sidaa awgeed markii uu arkay in aad meel kaga dhacday, waa uu difaacay. Laakiin markan dambe, waa kii karaamadaas innagaga iibsaday 50 kun oo Rubbi. Waxa uu yeeshay, ganacsiyo iyo dano kala duwan oo ay tahay in uu difaacdo. Sidaa awgeed sida keliya ee uu ku difaaci karay waxa ay noqotay in uu u dulqaato dhirbaaxooyinkaaga si aanay isugu dhicin maamulka danihiisana loo kala tuurin”

Qisadan waxa uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Aljasiira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here