Qasrigaasi Kugu Filan

0
15249

W/Q Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Hindisaha dhisitaanka madaxtooyada cusub, halka go’aankeedu ka soo baxayaa waa guriga looga taliyo dalka. Gurigani Wuxu 500 oo tallaabo u jiraa DHAKHTARKA WEYN ee Hargeysa. 1 milyan oo qof oo tahli waayey inay dhakhtar gaar loo leeyahay tagaan ayaa goobtan isku cidhiidhya, si ay adeeg caafimaad uga helaan, kumase filna oo Ninkii galayba ila garay dayaca iyo dakaanka ka muuqda. Waxa sidoo kale dhabarka ka xiga Dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo isna ardaydu is dul rasaysan yihiin. Labadaas xarumeed ee adeegga Caafimaad iyo adeegga waxbarasho loogu fidiyo dadweynaha danyarta ahi, waxay tusaale u yihiin sida loogu baahan yahay in la kordhiyo xarumaha la midka ah ee adeegyadan bixiya.

Waxase yaable in durba la calmaday helitaanka QASRI WAAFI AH oo kan haatan la inooga taliyo ee duugga ah ka fidsan kana faalalsan, ka qurux badan kana qiimo sarreeya. Madaxtooyo aan dadkeeda cawlcawlan u ekayn ee doog cosob ah iyo cinab lagu dhex beero, ilayn waa foolxumo inay u ekaato dadkan caydha ah ee wada bilaa camalka ahe!!!! Madaxtooyo gudaheeda iyo gidaarka dibadu kala duruufo yihiin, inta cadceedda iyo cirjiidhana (Jupiter) isku jiraan.

Si loo marin-habaabiyo dadweynahan qabyaalada ku godlada kuna gadooda, sidii loo kala qaybin jiray marka la isku lisayo, ayaa loogu kala qayday xarumihii laamaha dawladnimo, iyadoo qolo kasta loo qorsheeyey in laga dhex taago Qasri aan manfac u lahayn, qarashkiisuna ka go’an yahay qaan-gaadhka u kacaya aayihiisa dambe. Muraayadihii ab-tirsiinta ee loo gelin jiray marka la maan doorinayo, ayaa durba loo masaxay loona sifeeyey si ay u arkaan humaagyadii male-awaalka ahaa ee lagu mayrici jiray. Qolo walba muntulkaa loo taagay in ay u mashxaradaan, daawashada muuqaalkiisana ku mahad naqaan ayaa loogu manno sheeganayaa, waxtar miisaan lehna looga dhigayaa.

Waxse xaqiiq ah inay harraadan yihiin, qaarkood xanuunsanayaan, bilaa xannaano ay yihiin Ooryahooda uurka lihi, xayraanimo iyo shaqo la’aani halakaysay, sicir-bararkuna xagal daaciyey noloshooda. Haddaba ma dhakhtar, biyo, xarumo waxbarasho iyo in nolol loo abuuro ayey u baahan yihiin, mise in Madaxtooyo iyo Aqalka Guurtida xaafadahooda laga dhex dhiso ayey u baahan yihiin?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here