Qaar Ka Mid Ah Sababaha Caafimaadka La Xidhiidha Ee Keena Kabuubyada Faraha Gacanta

35
3927

Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa aad uga cawda kabuubyo ay gacanta inteeda hore, ama si gaar ah faraha gacanta ka dareemaan marka ay hurdada ka soo kacaan ama muddo aad u dheer ay shaqeeyaan. Shucuurtan oo inta badan qofka raaxada ka qaadda ayaa laga yaabaa in ay noqoto laba nooc, mid muddo gaaban qofka kaga tagta iyo mid waqti sii jirta oo laga yaabo in xitaa kaar uu ku lammaan yahay, ama mararka qaarkoodba ay noqotaa mid weligii qofku la noolaado.

Sida ay noocyadaa kabuubyadu u kala duwan tahay ayaa ay sababteeduna caadi ahaan u kala duwanaanaysaa, waxaa jira noocyo ku yimaaddo uun qaab fadhiga ama qaabka uu qofku u adeegsaday faraha oo qalad ku jiro, ama cadaadis fuulay xididdada dhiigga. Laakiin taasi si dhaqso ah ayaa ay isaga tagtaa oo waxa uun ay la mid tahay kabuubyada aynu cagahaba ka dareenno marmarka qaarkood.

Waxase jira oo qormadan uu Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey degelka Internet ka ee Sixatii, ayaa aynu ku soo qaadanaynaa xaalado ay kabuubyadaasi la xidhiidho xanuunno. Waxasae afeef ah sida kor ku cad in kabuubyadani ay marar badan iska tahay mid daqiiqado yar ah oo la xidhiidha sababaha aynu soo sheegnay, qasabna aanay ahayn in mar kasta ay noqoto mid ku timid cudur, balse ay fiican tahay in qofka ay ku soo noq-noqotaa uu dhakhtar takhasus ah la tashado:

Xaaladaha keeni kara kabuubyada faraha hore ee gacanta:

– Macaanka: waxa uu ka mid yahay sababaha ugu muhiimsan ee keena, gaara haan marka uu xaalad xun marayo.

– Cadaadis saaran jiridda (Xididdada) neerfaha xangullaha ee masuulka ka ah shaqada waaxyaha sare ee jidhka (Gacmaha) ayaa isna sababa in faruhu kabuubyo dareemaan.

– Faytamiin B oo jidhka ku yaraadaa waxa ay keentaa in ay daciifaan neerfayaashu, taasna waxaa ka dhasha in faruhu kabuubyoodaan.

– Dhibaato ka jirta laf-dhabarta ayaa laga yaabaa in ay cadaadis ku hayso neerfayaasha gacmaha.

– Dawooyinka xanuunnada kala duwan loo qaato qaarkood ayaa keena kabuubyada gacmaha.

– Alkoosha oo uu qofku cabbisteeda qabatimo ayaa iyaduna keenta.

– Cudurka Raynaud oo ah xaalad ku timaadda cidhiidhi ay tirsanayaan qaar ka mid ah xididdada yaryar ee dhiigga qaada, gaar ahaan kuwa faraha hore mara, taas oo sababta in faruhu ay heli waayaan xaddiga dhiiggii ay u baahnaayeen. Waxaana ka dhasha midabka dabiiciga ah oo faraha ka taga, kabuubyo faraha gacmaha ah, iyo sidoo kale xanuun iyo kaar badan. Xaaladdan waa la daweyn karaa waxa aanay inta badan ku dhacdaa dumarka.

– Xanuunnada kelyaha iyo beerka ee aan bogsashada lahayn ayaa iyaguna keena.

– Daweynta Kiimikada ah ee Kansarka lagula dagaallamo ayaa iyaduna keenta.

– Burooyin ku dhasha neerfaha.

Daweynta xaaladdan:

Waxaa jira habab badan oo loo daweyn karo kabuubyada faraha gacaha, waxaa ka mid ah dabiib caafimaad oo dawooyin ama Laysar loo adeegsanayo, kaas oo dabiibaya raadadka ka dhasha ogsajiin yaraanta ay faruhu tirsanayaan. Waxaa sidoo kale marar badan lagu dabiibaa jimicsiyada dhisaya muquryada faraha iyo xaglaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here