Ponus Marine Oo Ku Dhawaaqday Inay Soo Gunaanaday Maalgelinta Shirkada

0
602

Hargeysa(Geeska)-Shirkadii kaluumaysiga ee Pontus Marine LTD ayaa ku dhawaaqday inay soo gabogabaysay saamiyadii maalgashi ee shirkadaasi ay baahisay, marka laga reebo dalal qurbaha ah oo aan helin wakhti ku filan oo ay arintaas kaga soo qaybgalaan.

Shirada Pontus Marine LTD waxay sheecisay inay heshay boqokiiba kontan dhaqaalihii ay shirkadaasu ku hawlgali lahayd oo ah 2.5 milyan oo dolar, waxaanay doaboolka ka qaadeen in ay haatan galayaan wajigii sadexaad u hawlgalka oo ah bilaabida hawlihii shaqo.

Waxa ay sidan shirkadu ku sheegtay warsaxaafadeed ay ka soo saartay xafiiskeeda, waxaana war saxaafadeedkaas oo dhamays tiran uu u dhignaa sidan

“Waxa Illaahay mahadii soo gabagaboobay wajigii Labaad ee mashruucan Pontus Marine ltd oo ku ekaa 31/03/2014.Shirkaddu waxay u mahadnaqaysaa dhamaan cidkasta oo kaqayb qaadatay hirgalinta hawshan hadday noqoto masuuliyiin, shaqaale. Shirkaddu waxa kale oo ay aad ugu mahad naqaysaa cidkasta oo maalgashatay shirkaddan. Waxaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu u barakeeyo xoolohooda annagana nagu asturo masuuliyadan.

Waxannu idiinku bushaaraynaynaa in wajigii labaad isaguna kuu u ku soo dhamaaday guul. Waxaa bilaabay wajigii hawlgalka ee sadexaad laga bilaabo taariikhdii 01/04/2014.Sida ku qeexan sharciga u qoran shirkadda waxauu hawlgalka shirkadu bilaabmi karaa marka la gaadho ugu yaraan $2.5 m oo ah 50% lacagtii ay shirkaddu rabtay ee  ahayd $5m. Illaahay mahadii waxay shirkadu hanatay   $2.5 m oo ay shirkaddu ku hawlgali karto markaa  shirkaddu waa  hawlgal.

Sidaa darteed:

Laga bilaabo 1/4/2014 waxaanu joojinay  dhamaan  iibiintii saamiyada marka laga reebo wadanka Boqortooyada Sacuudiga, Kuwait iyo Finland oo haysta 45 maalmood oo ka bilaabmay 1/4/2014 inay ku maalgashadaan shirkadda. Sababta loo siiyay ogolaanshahaasi waa iyaga oo aan fursad u helin in loo soo ban dhigo waqti ku filan inay ku maal-gashadaan shirkada.

Dadkii  buuxiyay ee na soo gaadhsiiyay foomkoodii maalgashiga ka hor 31/3/2014. Iyaguna waxay haystaan 30 casho inay ku dhamays tiraan maalgashigooda haddii aanay dhamaystirin way waayayaan fursadii maalgashiga.

Wax foom ah oo kale oo aan qabanaynaa ma jiro ilaa iyo waqti danbe.

Insha Allah, qorshaha wajigan sadexaad la hirgalinayaa waa:

In la dhamaystiro hawshii qabyada ahayd wajigii labaad sida bixinta shahaadooyinka saamilayda. Waxa arinkaa u qorshaysan inuu ku gabogaboobo muddo aad u kooban Insha ALLAH. Mudadaa gudeheeda waa in uu qof walba oo shirkadda maalgashaday haystaa shahaadadiisii maalgashiga.

In wixii farsmo ah ee loo baahan yahay lagu dhamays tiro muddoda ugu kooban ee suurtogalka ah. Qorshahaasi farsamo waxaa kujira,sahamin, dhamystir wixii qandaraasyo ah. Iyo shaqaalaysiin shaqaalaha aasaasiga ah ee loo baahanayhay. Iyo  u diyaar garowga wajiga wax soosaar.

Xasuusin

Dadkii uu ka xidhmay maalgashiga shirkaddu waqtigan waxay fursad kale u heli doonaan mar danbe oo la furidoono fursada maalgashi si loo dhamaystiro wax kadhiman 5ta milion ee aan soo xaroon. Waxa arinkaa la soo sheegi doonaa mar danbe oo ku began hawlgalka dabadii.”