Oohintu Waxa Ay U Fiicantahay Caafimaadka Sanka Iyo Indhaha, Waxa Ay Dejisaa Dhiigga, Waxa Aanay Xasilisaa Maskaxda

Published on Sep 29 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Oohinta aalaaba waxaa lagu yaqaannaa carruurta oo ay ugu jirto kaalinta hadalka, kuna cabbiraan baahidooda, cabashadooda iyo haddii uu xanuun hayo. Dadka waaweyn laftigooda oohinta waa lagu arkaa, in kasta oo ay tahay xaalado gaar ah, dumarkuna u badan yihiin.

Shabakadda arrimaha caafimaadka ka warranta ee Care2 ayaa dhowaan warbixin ay baahisay ku sheegtay in oohinta oo la xejisto ama la isla ilaaliyaa ay tahay tallaabo aan sax ahayn caafimaad ahaan. Waxa kale oo jira cilmibaadhiso badan oo iyaguna marar kala duwan ku dooday in oohintu ay ku timaaddo sababta dareen caadifadeed ama xaalad nafsi ahi ay sababtay, laakiin aanay wax dhibaato ah ku keenayn caafimaadka qofka.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa noocyada ay oohintu tahay, sababaha oohinta badiya iyo sida ay ragga iyo dumarku ku kala yihiin.

Xaqiiqooyin muhiim ah

  1. Waxaa la ogaaday in dareenka murugada iyo cadhadu uu gabadha boqolkiiba 85 ka dego, marka ay oydo kaddib, halka raggana oohintu ay boqolkiiba 73 ka kaxayso dareenkaas oohinta.
  2. Celcelis ahaan gabadhu bishii 5.3 goor ayaa ay oydaa, halka ay raggu ka ooyaan 1.3 goor bishiiba.
  3. Darbadda oohinta ahi qofka qaangaadhka ah kagama badato 6 daqiiqo. Oo macnaheedu yahay in lix daqiiqo haddii uu ooyo, ay inta badan tagto shucuurta ka oohianaysay oo aanu sii wadin oohinta.
  4. Ilmada qofka ka imanaysa marka uu ooyaa, waxa ay badan tahay habeenkii inta u dhexeysa 7 illaa 10 fiidnimo, waxa kale oo ay badan tahay marka uu qofku aad u daallan yahay.

Faa’iidooyinka oohinta

‘Qofku marka uu ooyo kaddib, waxa uu dareemaa in ka soo rayn iyo nafis, sababtuna waa oohinta oo jidhkiisa ka soo saartay maaddooyinkii kiimikaad ee marka hore ku ururtay’. Sidaa waxaa lagu ogaaday cilmibaadhis uu sameeyey William Frei II oo xeeldheere ku ah cilmiga geeddisocodka samaysanka iyo isbeddelka organnada nool, madaxna ka ah cilmibaadhista shaybaadh ee xarunta Paul’s Medical Center oo Maraykanka ku taalla.

Oohintu dhiigga ayaa ay dejisaa

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in qofku marka uu ooyo kaddib uu dego dhiiggiisu, isla markaana uu hoos u dhaco, haddii uu sarreeyey, ama inta dabiiciga ah ku soo noqdo garaaca wadnihiisu.

Maanganiiska: Maanganiisku (Manganese) waa maaddo kiimikaad oo saamayn taban ku yeelata xaaladda maskaxeed iyo dareen ee qofka, beddeshana dabeecadda wanaangsan iyo xasiloonida. Haddaba waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in oohintu ay jidhka ka saarto maanganiiska.

Sunta ayaa uu saaraa: Oohintu waxa ay isha ka ilaalisaa ingagga, sida oo kale maadadda ku jirta ilmada ee Lysozyme waxa ay la dagaallantaa bakteeriyada, waxa aanay liddi ku tahay fayraska. Sidaa awgeed oohintu waxa ay isha gudaheeda ka soo maydhaa suntan.

Sanka: Marka uu qofku ooyo, ilmadu waxa ay soo martaa tuubmooyinka ilmada oo sida oo kale mara sanka, oo ay ku kulmaan duufka. Haddaba marka ay ilmada iyo duufku isku darsamaan  waxa ay sababtaa in duufka, gaar ahaan kiisa adagi uu furfurmo, oo ay suurtasho in qofku si fudud isaga soo duufiyo, taasina waxa ay sanka ka soo maydhaysaa bakteeriyada.

7 Comments

  1. 9合1升級保護,提升全面防護!!! 相比之前四合一的疫苗只能預防四種hpv病毒,70的相關癌症。 九合一可以預防9種hpv病毒,可預防高達90以上的子宮頸癌、外陰癌、陰道癌和肛門癌及癌前病變等。 HPV9合1子宮頸癌疫苗 Gardasil 功效 100 預防高危致癌的 HPV 16、18、31、33、45、52 及 58 型號 (可減低 90 患子宮頸癌、、90-95 肛門癌、85-90 外陰癌、80-85 陰道癌及相關癌前病變的風險) 100 減低引致生殖器官濕疣 (俗稱「椰菜花」) 的 HPV 6、11 型的感染 (可減低超過 90 患生殖器官濕疣的風險) 男性方面,能減低患上肛門癌、生殖器官濕疣 (俗稱「椰菜花」) 及傳播 HPV 病毒的風險 注射位置紅腫及痛、輕微發燒和頭痛,至今未有嚴重副作用記錄

  2. Hello there! This article couldn’t be written any better!
    Looking at this article reminds me of my previous roommate!
    He always kept preaching about this. I’ll forward this article to him.

    Fairly certain he will have a good read. Thanks for
    sharing!

  3. Unquestionably believe that which you said. Your favorite justification seemed
    to be on the web the easiest thing to be aware of.
    I say to you, I certainly get annoyed while people consider worries that they
    plainly do not know about. You managed to hit the nail upon the top as
    well as defined out the whole thing without having side-effects ,
    people can take a signal. Will likely be back to get more.
    Thanks

  4. Pretty nice post. I just stumbled upon your blog and wished to say that I have truly enjoyed browsing
    your blog posts. After all I’ll be subscribing to your feed and I hope you write again very
    soon!

  5. I do not even know how I ended up here, but I thought
    this post was good. I do not know who you are but certainly you are going to a famous blogger
    if you aren’t already ;) Cheers!

  6. minecraft says:

    Greate article. Keep writing such kind of information on your site.
    Im really impressed by your blog.
    Hi there, You’ve performed an incredible job. I will certainly digg it and in my view recommend to
    my friends. I am sure they’ll be benefited from this website.

  7. minecraft says:

    An outstanding share! I have just forwarded this onto
    a colleague who had been conducting a little homework on this.
    And he actually bought me lunch due to the fact that I stumbled upon it
    for him… lol. So let me reword this….
    Thank YOU for the meal!! But yeah, thanx for spending some time to discuss this issue here
    on your web page.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!