Odayaal Ka Yimid Boocame Oo Hargeysa Soo Gaadhay

0
565

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wafti balaadhan oo ka socda deegaanada Boocaame ee gobalka Sool isla markaasna uu hogaaminayo Ugaas Cabdirashiid Xasan, ayaa soo gaadhay magaaladda Hargeysa, kuwaas oo daboolka ka qaaday inay soo ajiibeen gogashii nabada ee madaxweyne Axmed Siilaanyo u fidiyay gobalada bariga Somaliland.

Waftigan ayaa sheegay in ay soo afjarayaan 23 sanadood oo deegaanadda hoosyimaada degmada Boocaame ay bilaa maamul ahaayeen, dadka deegaankana uu ku dhacay dib u dhac dhanka waxbarashada iyo horumarka ah.

Wasiiru dawlaha nabadaynta gobalada bariga Cali Maxamed Axmed (Sandule), ayaa dhankiisa soo dhaweeyay waftigaas, isaga oo arimo badana halkaas kaga hadlay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Halkan waftiga marayaa waxay ka yimadeen degmada Boocaame, waa Ugaas Cabdirashiid Xasan iyo laba caaqil,odayaal,aqoon yahan iyo ganacsataba ragii haldoorka ahaa, ee reerka iyo deegaankaba u qaadi lahaa xaajada weeye, waxay ku yimaadeen  gogashii madaxweynuu uu fidiyay oo aan duugoobin oo taagan oo diyaar u ah mar walba in boodhka laga jafo, oo aan soo dhawayno mar walba cida timaada iyo cida iman doontaba, aniga oo ka wakiil ah madaxeeynaha oo ula jooga waftigana wasiirkii uu madaxweynuu hawshaas u igmaday anigoo ah. Waan idiinka mahad celinaynaa sida aad u timaadeen ee aad u soo ajiibteen waxii arin ah ee jira in aynu ka xaajoono.”

Cali Sandule oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Khaatumo waa dad ka mid ah Somaliland maaha cid meel kale ka timi,Aadamuhu waa uu kala cadhoonayaa waxii tabasho ahna buug ayaa u furan dhulkoodiina way yimaadeen, maantana halkan maaha kuwo ku marti ah, idinkana  waxaan idiin sheegayaa mudada aad joogtaan In aad la kulmidoontaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhan, Somaliland waxay u baahan tahay in laysku soo ururiyo oo laysku soo celiyo ee uma baahna in la sii kala firdhiyo, ragani waa cidii ugu mudnayd ee halkan iman lahayd kalsoonina waxaan ku qabaa in ugaasku waxii uu balan qaado iyo hawshuu u soo dhaqaaqayba uu ka soo dhalaali doono.Somaliland marti kuma tihidin ee waad leedihiin ee barbarkiina qabsada, madaxweyne yaal ayaynu doonaynaa,ku xigeeno iyo guddoomiyeyaal baarlamaan ayaynu doonaynaa, meeshan marti kuma nihin ee ninkii garan waaya barbarkaaga qabso isaga iyo dadnimo xumadii, reer Somalilandna  waxaanu leenahay waa ay yimaadeen intii aad tabayseene kuraasta u baneeya, intayada reerka ahina waanu u banayan doonaa, wax kasta oo xal lagu helaayo waxay Somaliland u diyaar tahay inay samayso.”

Intaas kadib waxa warbaahinta la hadlay Ugaas Cabdirashiid Xasan oo waftigan reer Boocaame hogaaminayay, waxaanu sheegay in ay soo afjarayaan dib u dhaca ku yimi deegaanadaas“Waxaan aad iyo aad uga mahadnaqayaa sida naloogu soo dhaweeyay Somaliland,waana waajib in nala soo dhaweeyo waayo dadkoodii ayaanu nahay, waxaanu ka nimi magaaladda Boocaame odayaal,saraakiil iyo aqoon yahano ayaanu nahay, markaanu inbadan tashanay waxaanu ajiibnay gogashii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland noo fidiyay, waxaanu sugaynaa hadii aanu nimi ka hadalka arinkaas, waxa uu dadku u baahan yahay horumar,nabad iyo nolol waxaanay ila tahay in gogashu intaas uun ku saabsantahay, waxii anaga nagaga waajib ahna waanu fulinaynaa waxii dawlada ku waajib ahna waanu ka rabnaa. 23 sanadood ayaanu bilaa maamul ahayn markaas dadka cidla laguma celin karo,dadku meeshii maamul iyo nidaam ka jiro oo waliba koodu jiro ayuu aadayaa, waxyaabo badan ayaanu eegnay oo dadkii dadkii waa uu ka hadhay aqoon ahaan iyo horumar ahaan labadaba,cidla danbena joogi mayno,waa ay jiraan niman siyaasiyiin ah oo wareega oo iyagu baasabooradooda sita oo meesha ay doonaana taga, waxaanu rabnaa inaan gogashaas ajiibno,waxii ka soo baxana qaadno oo dadkayagii u gayno oo ku dhaqano.”

Ugu danbayntii Caaqil Faarax Cabdi Shire ayaa isaguna dhankiisa halkaas ka yimidhi “Waxaanu nahay shacab u yimi maamulkiisii iyo dawladii uu ka tirsanaa, waxaanu u diyaar nahay maamulku hawl iyo dheefba uu leeyahaye labadaba waxaanu diyaar u nahay qaybta aanu leenahay inaan qaadano. Waxaanu u soconay nabadayntii uu ku baaqay madaxweyne Axmed Maxamed, deegaanka aanu odayaasha u nahay waa mid balaadhan waana dhanka ugu shishaysa dhanka bari,beelahaasi 12 magaalo gaarbay u dagaan tobana dadka ayay la degan yihiin, dhamaantood waxa ay u diyaar yihiin hawsha iyo manfaca maamulka.”