Muumin Laba Jeer God Lagama Wada Qaniino

0
2348

Garyaqaan Xamse Maxamud Xasan

Kulanka Madaxweynaha Soomaalilaand Md. Muuse Biixi Cabdi la yeeshay ergayga cusub ee dawladda Turkigu u soo magacowday wadahadallada Soomaalilaand iyo Soomaaliya, waxa sida la sheegayo uu madaxweynuhu ku aqbalay in mar labaad Turkigu dhexdhexaadiyo wadahadalladii hore u fashilmay.

Haddaba, aqbalaadda dhexdhexaadinta dawladda Turkigu waxa ay ina tusaysaa in rejadii ictiraafka Soomaalilaand ay mar labaad foolhallawday, maadaama wadahadalladii mar labaad loo gacangaliyay dawladda Turkiga oo iyadu masuul ka ahayd in ay fashilmaan dhammaan heshiisyadii hore loogu gaadhay dalka Turkiga.

Ugu horrayn, heshiiskii maamulidda hawada ee nuxurkiisu ahaa in Hargeysa laga maamulo hawada Soomaaliya, dawladda Turkiga ayaa horseed ka ahayd in uu burburo, kadib markii ay dawladda Turkigu maalgalisay xarunta hawada laga maamulayo ee Muqdisho laga dhisay, sidoo kalena ay tababar u furtay hawlwadeennada xarunta hawada ka hawlgalaya.

Dhinaca kale, dawladda Turkigu marnaba ma ay soo hadalqaadin heshiisyadii ay odayga ka ahayd ee lagu galay dalkeeda ee fulintooda ay sida badheedhka ah uga baxeen dhinaca Muqdisho.

Ugu danbayntii, xikmad ayaa tidhaa: “muumin laba jeer god lagama wada qaniino.” Waxa maanta inoo muuqda in Xisbigii Kulmiye ee talada dalka hayay sagaalkii sanno ee u danbeeyay ay mar labaad la foolhallawday rejadii ictiraafka Somaliland. Waxa aanu shaki ku jirin in masiirkii qaranka mar labaad hadhimo la dhaafsaday si la mid ah sidii xukuumaddii hore.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyadu ka biyadiidsan in cid aan Turkiga ahayni qabato wadahadallada Soomaalilaand iyo Soomaaliya, si inta ay diblumaasiyaddeedu dunida  isku fidinayso aanay wadahadallo midhadhal ahi u hirgalin.

Maalintay u darrantay ilaah caynsha leedahay.

W/Q: Garyaqaan Xamse Maxamud Xasan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here