Mujaahid Xasan Ciise Oo Ka Hadlay Doorashada Muuse Biixi Iyo Aqoonta Uu U Leeyahay Shakhsiyadiisa

0
840

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey Somaliland mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay inuu yahay masuul dulqaad badan, waxaanu ka xog waramay qorshayaal ay wada galeen, isla markaana ay isku mawqif ka noqdeen, danta dalka iyo dadkaba ka istaageen.

Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey Somaliland Xasan Ciise Jaamac, oo warbaahinta u waramay, ayaa sidoo kale hambalyo, bogaadin iyo duco u diray Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu ALLE uga baryey inuu xilka u fududeeyo, waxaanu yidhi “Doorashadii ugu dambaysay oo ILLAAHAY si nabadgalyo ah inoogu dhamaystiray, xoogaagan yar oo intan dambe dhacday waxaanu rajaynayaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo wax ka weyn inuu ILLAAHAY inagaga xijaabo, sida ay Muuse iyo qalooyin kale oo badani sheegeen maanta Somaliland oo dhan baa guulaysatay, Muuse oo kaliyi muu guulaysan ee Somaliland oo dhan baa guulaystay, Shicibka Somaliland baynu tahniyad u diraynaa, Musharixiintii oo dhan baynu hambalyeynaynaa,laakiin si gaar ah maanta waxay hambalyadiisa tahay Muuse Biixi Cabdi, oo ah maalintii la tahniyadaynayey, xalay (habeen hore), waayo waa arin qolooyinkaygii jabhada ahaa farxad gaar ah u ah, in nin naga mid ahi Doorashadii ku guulaystay, oo Madaxweyne beegsanayo haddii ALLE yidhaah, farxad gaar ah ayey noo tahay”.
Xasan Xiise Jaamac mar uu ka hadlaayey aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi “In badan baa Muuse aniga la iga wareystay, Muuse wax badan baa laga yaqaana, oo waa Raggii imika saaxada Siyaasiga ah ku jiray muddo, ilaa Somaliland bilawgeedii ku jiray, oo wax badan baa laga yaqaana, laakiin laba qodob oo dadka badankoodu Muuse aanay ka war haynin ayaan dadka ugu daraa oo ay la yaaban, waa mide wakhtigii jabhada iyadoo xero jooga jabhadu wagassh-wagash yahay oo xero jooga Ciidanku aanu wanaagsanayn, ayuu Muuse noo yimid, Muuse inta uu bud iyo toori qaatay iyo caday dheer, ayuu Xeradii askarta u fadhistaa, wey ku daydeen, wuxuu ku soo kordhiyey Jabhadii SNM, Saraakiisha xero jooga ah, oo marka naga maqnaa, oo wax weyn ka bedelay, Jabhadii SNM-ta, gaar ahaana dhinaca Galbeedka, waa lagu wada dayday, muu qayili jirin, sababta ugu weyn ee u suurtagalisayna waxay ahayd isagu muu qayili jirin,laakiin Saraakiisha badankoodu wey qayili jireen,oo xerada wey ka tagi jireen, askartuna wey raaci jireen oo wey la qayilaad tagi jireen, marka dagaal la sameeynayo askarta iyo saraakiisha waa la heli jiray, laakiin inta u dhexeeysa ayaa waxaad ku xisaabtanto oo aad meeshii ugu tagto, oo xeradii aad ka helaysaa aanay jiri jirin, intii aanu Muuse iman,waa qodob aad iyo aad muhiim u ahaa oo guushiina wax weyn ka taray, qodobkaas oo Muuse gaar u ahaa ayuu soo kordhiyey isagu, taas meel badan baan ka sheegay”.
Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Qodobka labaad waxa weeyaan intii aynu Somaliland ku dhawaaqnay dabadeed Muuse waxaanu dib ugu kulanay arintii la odhan jiray dib u habayntii SNM, ee bilaabi jirtay 1999 waanu badnayn, arintaas Muuse si gaar ah ayaan ugu bartay,hore jabhadii ayaanu wada ahayn iyo dagaaladii iyo wax caynkaas ah,oo uu ku fiicnaa ayaan ku aqaanay, laakiin Siyaasadii baan wakhti ku bartay Muuse,Muuse markii hore dadka badankoodu waxay u arki jireen nin seef la booda, oo xanaaq badan oo dagaal badan, oo xayraan ah, laakiin wakhtigaas dib u habaynta SNM, waxaan ku arkay oo aan anigu markhaati ka ahay, ILLAAHAY hortii inuu ahaa ninka ugu waayeelsan, ee igula jiray dib u habayntii SNM-ta wakhtigaas”.
Xasan Ciise Jaamac mar uu ka hadlaayey sababta keentay inay isku qabtaan dib u habaynta SNM ayaa yidhi “Dib u habayntii SNM, waxay isku qabatay, oo markii dambe aanu ku kala tagnay, Ina Ibraahim Cigaal ayaa Madaxweyne ahaa, sidee ayeynu u naqdinaa, Ina Ibraahim Cigaal, ALLE ha u naxariiste, markaas Mucaarad baanu ku ahayn, Ragga badankoodu aniga iyo Muuse mooye, waxay odhan jireen aanu kululaylino si cunfiya oo daran aynu u mucaaradno Madaxweynaha Ina Ibraahim Cigaal, aniga iyo Muuse waxaanu odhan jirnay “Waaryadheen dhegaysta dagaal sokeeye baa laga soo gudbay wax yar ka hor, dadku uma baahna wax dambe oo ka nixiya, oo is yidhaahda imika mar dambe la qaxayaa, ee inaga oo mucaaradad sameeyna, mucaaradadeenu ha noqoto mid dhismaha ah oo wax tar ah, ee yaanay noqonin mid wax burburisa, oo kala yaac iyo qixitaan dambe umadda u hor kacda, umaddu ma qaadi karto ayaanu odhan jirnay”ninka kaliya ee qodobkaas igu raacay Raggii aanu ku wada jirnay dib u habaynta SNM oo dhan Muuse ayuu ahaa, markaas waa qodob bisayl ah, oo waayeela, oo aan anigu markhaati ka ahay nina intiisa lagama makhruugo”.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo talo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ayaa yidhi “Talooyin badan baan Walaalkay iyo Saaxibkay Muuse u hayaa, laakiin markaan isaga wada xidhiidhno ayaan talooyinkaas ka horeeysiinayaa, idinkuna waad ka war heli doontaan, maanta waa maalintii hambalyaduun, waanu hambalyeynaa, waanu u ducaynaynaa, waxaan leeyahay ILLAAHAY xilka ha ku asturo, guushiisu waa guusheena oo dhan”.
Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Mucaaradka ayaa yidhi “Qolooyinka laga guulaystay ee musharixiinta ahaa intii dambe si wanaagsan bay u hadleen, iyagana waan hambalyeynayaa, waxaan rajaynayaa oo aan ku boorinayaa hadaladan dambe ee wanaagsan ee ay yidhaahdeen, iyagana waanu u ducaynaynaa, waxaana u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here