Maxkamadda Sare Oo Xuseen Axmed Caydiid U Xukuntay Kursigii Golaha Wakiilada

22
2755

Hargeysa (Geeska)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa go’aan ka gaadhay dacwad uu u gudbiyay wasiir-xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees, taas oo ka dhan ahayd go’aan ay guddiga doorashadu maxkamada u gudbisay oo ahaa in Xuseen Axmed Caydiid buuxinayo jagadii uu baneeyay Alle haw naxariiste Marxuum Ibraahim Axmed Haybe oo dhawaan geeriyooday.

Maxkamadda sare ayaa toddobaadkii hore dhagaystay dacwadaas uu maxkamadda u gudbiyay Wasiir Abees ee uu kaga dacwoonayay go’aanka guddiga doorashada. Hase yeeshee maxkamadda sare ayaa qaraar ay soo saartay Isniintii waxa ay xukuntay in siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid buuxiyo jagadaas islamarkaana uu sax yahay go’aanka guddiga doorashadu.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in maxkamadda sare ay soo saartay go’aanka ay Xuseen Axmed Caydiid ugu garatay inuu kursigaas ku fadhiisto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here