Maxkamadda Addis Ababa Oo Laashay Dalabkii Cabdi Iley Ee In Damiin Lagu Sii Daayo

89
6390

Addis Ababa(Geeska)-Maxkamada Addis Ababa ee dhagaysanaysay dacwada Madaxweynhii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laashay codsi uu u gudbistay oo ahayd in dammaanad lagu sidaayo maadaama oo uu wadne xanuun qabay.

Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka kale ee la xidhan ayaa dalabkooda laga diiday ku saleeyay in xaaladooda caafimaad darteed aanay ku noolaan karin xabsiga ay ku jiraan oo ay ka dayriyeen xaaladiisa caafimaad iyo cuntooyinkaba

Maxkmadu waxa ay aqbashay dalab ay boolisku u gudbisteen oo ah in la siiyo 14 maalmood oo ay baadhistooda ku soo dhamaystirtaan, boolisku waxa kale oo ay shalay xidheen oo maxkamada la hor keeenay taliyihii hore ee booliska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Farxaan Daahir, oo isagana loo haysto dunuub ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo tacadiyo kale.

Maxkamadu waxay go’aamisay in dhagaysiga labaad ee dacwada loo haysto Ina ilay la dhagaysan doono 14-septenber.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here