Trump Waxa Uu Doonayey In Uu Madax Jebiyo Erdogaan Laakiin Isagii Ayaa Dabin Ku Dhacay

103
8813

Washington (Geeska) – Bishan markii uu Trump isku dayayey in uu madax jebiyo Turkiga oo uu ogolaysiiyo in ay sii daayaan baadariga Maraykanka ah, waxa uu isku hallaynayey in tallaabooyinkii ciqaabeed ee uu dhinaca dhaqaalaha ka qaaday iyo ereyadii canaanta iyo liidista ahaa ee uu warbaahinta xidhiidhka bulshada marinayey, ay maaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ku qasbi doonaan in uu si dhaqso ah ugu hoggaansamo doonistiisa.

Waxaa sidaas lagu yidhi warbixin uu wargeyska Washington Post qoray, waxa aanay intaas ku sii daray in inkasta oo uu khilaafka xooggani u dhexeeyey Maraykanka iyo Turkiga muddo saddex toddobaad iyo ka badan ah, in aan weli la sii deynin baadarigii Andrew Brunson. Waxa kale oo uu wargeysku sheegay maalmihii ay lacagta Lira ee dalka Turkigu aad hoos ugu dhacday, in uu madaxweynaha Turkigu ku guulaystay inuu cadhada dadkiisa ku jeediyo Maraykanka. isaga oo ka dhigay in waxa socdaa uu yahay burburin caalamiya oo dalkiisa ka dhan ah. Waxa uu dareenka dadka ka fogeeyey dhibaatada dhaqaale ee taagnayd oo ay dadka arrimahaas gorfeeya qaarkood sehegeen in xukuumaddiisu sannadihii hore oo dhan ku fashilantay in ay si lagu qanci karo uga hadasho.

Taageero dibadeed

Wargeyska Washington Post waxa uu warbixintiisan ku sheegay in dalka Turkigu uu cunaqabataynta Maraykanka kaddib ku guulaystay in uu taageero fiican oo waqtigeedii soo gaadhay ka helo saaxiibadiisa dibadda, arrintaas oo burburisay dadaalkii uu Donald Trump ku doonayey in uu dalka Turkiga ka dhigo dal go’doon ku jira. Waxaa ka mid ah booqashadii uu wasiirka arrimaha dibadda Ruushku ku tegey Ankara, wadahadalkii uu madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron taleefanka kula soo xidhiidhay madaxweyne Erdogaan, iyo lacagtii 15 ka bilyan ee doolar ahayd ee uu dalka Qatar ku maalgashaday dhaqaalaha Turkiga.

Washington Post waxa ay ka soo xigatay Leslie Hintz oo ah baresare oo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda John Hopkins, in madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan uu awood u leeyahay in uu dhanka isaga u fiican uga ka faa’iidaysto masiibooyinka soo waajaha. laakiin sida muuqata uu Trump dhayalsaday hoggaamiyaha Turkiga oo caan ku ah garaad badnaan dhinaca xeeladaha ah. Si aad u fogna ugu qanacsan in quwaadaha reer galbeedku ay ku dadaalayaan sidii ay u curyaamin lahaayeen Turkiga, maadaama oo uu yahay dawlad muslim oo awood leh.

Trump waxa uu u daneeyey Erdogaan

Hintz waxa kale oo ay Washington Post u sheegay in madaxweyne Donald Trump uu madaxweynaha Turkiga u daneeyey markii uu fuliyey cunaqabataynaha adag, bartiisa Twitter kana ku faafiyey hadallo degdeg iyo masuuliyad darro ka muuqato. Waayo waxa ay u muuqatay, in ujeedada Trump ka leeyahay tallaabooyinkani ay yihiin in uu burburiyo dadaalka ay xukuumadda Turkigu ku doonaysay in ay dejiso suuqa iyo dadkeeda. Hintz waxa ay intaas ku dartay in Trump uu u muuqday nin burburinaya dhaqaalaha Turkiga, waana sida uu madaxweynaha Turkigu doonayey in uu u sawiro dalka Maraykanka.

Dhinaca kalana Soli Ozil oo ah baresare oo cilmiga xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Kadir Haas ee magaalada Istanbuul, dalka Turkiga ayaa sheegay in Erdogaan uu mucaaradnimada gudaha kaga furan uu ku jiheeyo dibadda. Laakiin waxa cusubi uu yahay, in markan uu jihayntiisaas u hayo  marag xoog badan oo caddayn u ah dooddiisii hore ee ahayd in ay jiraan dhinacyo shisheeyo oo leh qorsheyaal cadaawadeed oo Turkiga ka dhan ah. “Tallaabooyinka adag ee Maraykanku keliya waxa ay noqdeen caddayn uu u helay sheegashadii ahayd in la doonayo in Turkiga dhabarka laga jebiyo” ayaa uu yidhi baresare Ozil. Isaga oo intaas ku daray in cunaqabataynta uu Maraykanku saaray Turkigu ay dadka Turkiga badankooda ku beertay dareen ah in waxa socdaa aanu ahayn dhibaato dhaqaale, balse uu yahay dagaal dhaqaale oo Maraykanku uu dalkooda ku soo qaaday.

Wargeysku Washington Post waxa uu sheegay in taas maraggeedu uu yahay sida dheganugaylka ah ee ay dadka Turkigu u qaateen codsigii Erdogaan ee ahaa in aan la iibsan qalabka Elektarooniga ah ee lagu sameeyey dalka Maraykanka, iyo sida ay dadku u burburiyeen talefannadoodii gacanta ee iPhone ka ahaa iyaga oo la dhacayey madaraqyo iyo usha lagu ciyaaro kubadda Baseball. maadaama oo ay samayso shirkadda Apple ee dalka Maraykanka ahi.

Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku soo gabagabeeyey, “Siyaasadda jar iska xoornimada ah ee Trump uu raacay, khatar kuma ay keenin Erdogaan siyaasad ahaan marka la eego dalka gudihiisa”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here