Maraykanka Oo Wefti U Soo Diray Madaxda Geeska Afrika

67
3187

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa wadamada gobalka Geeska Afrika u soo dirtay wefti uu hoggaaminayo ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan Afrika danjire Donald Y. Yamamoto.

Weftigan ayaa maraya wadamada Ereteriya, Djibouti iyo Itoobiya. 22 April waxay gaadheen caasimada Ereteriya ee Asmara.

Sidoo kale Djibouti ayuu gaadhayaa maanta oo ah 24 April, waxaanu uga sii gudbayaa Addis Ababa oo uu ku beeganyahay 26 April. Waxa la sheegay inuu wadamadan kala hadli doono iskaashiga uu Maraykanku la leeyahay saddexdooda.

Maraykanka ayaa diiradda ku haya gobalka Geeska Afrika, waxaanu dalalka gobalka la leeyahay xidhiidh iskaashi oo u badan la dagaalanka argagixisada.

Diblomaasiga weftigan hoggaaminaya oo safiirka Maraykanka ee Itoobiya ahaa waagii uu Madaxweyne Rayaale talada Somaliland hayay, wuxuu xidhiidh wanaagsan oo iskaashi la lahaan jiray Somaliland, waana markii ay Hargeysa soo booqatay danjire Jendayi Frazer oo ahayd kaaliyaha Maraykanka ee qaaradda Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here