Maraykanka Oo Ka Walaacsan Dekada Jabuuti Ee Laga Wareejiyay DP World

36
3323

Jeneraalka ugu sareeya ee saldhigga ciidammada Maraykanka ee Jabuuti ayaa xildhibaanada Aqalka Congress-ka Maraykanka u sheegay in ay aad uga walwalsanyihiin suurtogalnimada in Shiinaha uu la wareego dekada Jabuuti ee dhawaan laga wareejiyay shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World.

Waxa uu sheegay in ciidammadoodu ay wajihi doonaan “cawaaqib daran” haddii Shiinaha uu halkaas soo galo.

Dowladda Jabuuti ayaa bishii hore DP World ka wareejisay maamulka dekada Dooraale ee ay kasoo degaan qasacadaha qafilan ee xamuulka (kunteenarada), iyada oo sheegtay in shirkadda ay xalin weyday muran soo jiitamayay illaa sanadkii 2012-kii.

DP World ayaa go’aanka dowladda Jabuuti ku tilmaamtay mid sharci daro ah, waxayna dacwad ka furatay maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhexaadinta London.

Dhagaysi ay u fadhiisteen xildhibaanada Congress-ka Maraykanka salaasadii doraad ayaa inta badan waxaa hadheeyay kaalinta sii kordhaysa ee Shiinaha ku yeelanayo Afrika, waxayna sheegeen in ay ka warheleen warar sheegaya in Jabuuti ay dekada ula wareegtay si ay hadiyad ahaan ugu siiso Shiinaha.

Jeneraal Thomas Waldhauser oo madax ka ah taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in haddii Shiinaha ay xayiraado kusoo rogaan isticmaalka dekada, in taas ay saamayn doonto in maraakiibta dagaalka Maraykanka ay shidaal ka qaataan meesha.

Jabuuti waxaa degan ciidammo Maraykanka ah oo gaadhaya illaa 4,000, waxaana jirta in Shiinuhuna uu saldhig ka furtay meel aad ugu dhow kan Maraykanka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Geng Shuang oo Beijinh ka hadlayay ayaa sheegay in dowladiisa aanay waxbo kala soconin xaalada dekada Dooraale. Wuxuu intaas ku daray in iskaashiga Shiinaha kala dhaxeeya Afrika aanu ahayn mid lid ku ah dal saddexaad, sida uu hadalka u dhigay.

Jeneraalka waxa uu sheegay in Maraykanka aanu is barbardhigi karin mashaariicda uu Shiinaha ka dhisayo Afrika, wuxuuna xusay in ay xitaa dhisayaan dhismayaal laga dukaamaysto, dhismayaal dowladeed iyo xitaa garoomo waaweyn oo kubbadda lagu ciyaaro.

Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in nooca maalgashi ee Shiinaha Afrika ku samaynayo ay “dhiirogalinayso dhaqanka ku tiirsanaanta” ee Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here