Muwaadiin Ka Qayb Qaado Dadaalada Lagu Joojinayo Tacadiya Loo Gaysto Dumarka

25
3372

Haweenka Soomaalidu dhaqan ahaan marka suugaanta lagu soo qaato sida Gabayada, Heesaha/Geeraarada, waxa u badan ee aad maqlaysaa waa amaan iyo ereyo macaan oo lagu tilmaamayo wanaagga haweenkeena.

“Lagu mood hillaacii mudh yidhi

Lagu mood tiriigii cadmeed muxubbadiisiiye…

Lagu mood madheedh u egeey, dahabka maarseeye”.                                                         Cabdi Warsame (Cabdi Gahayr)

Haa, waa dhaboo! Haweenku ammaan iyo mahadba waa ay innaga mudan yihiin, balse wali ma is-waydiisay tacadiyada kala geddisan ee haweenka loo geysto Sababta hoos loogu eegi waayay? Runtii sida ammaanta ba aynu u macaansanno, waa in aynu qaddar kooban is dul taagno dhibaatooyinka iyo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka gaar ahaan Hablaha yaryar!

Gudniinka Habluhu wuxu ka mid yahay caado-dhaqameedyada foosha xun ee lagaga dhaqmo dalkeena Somaliland, waa goyn iyo gammuurid lagu jar jarayo xubinta taranka ee hablaha. Caado-dhaqameedkani waa mid qarniyo soo jiray oo loo haysto in lagu ilaalinayo sharafta iyo Milgaha Gabadha, kuna dhisan  Dhaqan soo jireen ah oo la kala dhaxley iyada oo diinta na loo nisbaynaayo.

Waxa aynu makhraati ka nahay dhibaatada uu u leeyahay Gabdhaha iyo guud ahaan Haweenka, laga bilaabo marka la gudo ilaa iyo nolosheeda inta badan waxay ku qaataan xanuun iyo dhib aan kala joogsi lahayn oo Gudniinku sabab u yahay.

Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa in badan ka ololeeyey sidii loo joojin lahaa dhaqamadaa foosha xun ka dib markii lagu baraarugay caafimaad darrada uu ku keeno haweenka iyo sidoo kale, inaanu sal iyo raad toona ku lahayn Diinteena  suuban ee Islaamka kuna xusnayn meelna in la jar-jaro xubintii taranka.

40 kii sanno ee u dambeeyey, waxa dadaalo badan laga galay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa cidhibtirka caado dhaqameedkan, Ururada Bulshada, Culumo-Aw’diinka, Dhakhaatiirta iyo dhammaan Cid kasta oo ay khuseyso, kulamo badan oo ay wada yeesheen waxa laysla qaatay Caafimaad darrada uu ku keeno Gudniinku Gabdhaha iyo Guud ahaan ba Haweenka.

NAFIS Network, waxay ka mid tahay ururada sida weyn ugu hawlan sidii loo joojin lahaa Gudniinka Gabdhaha, sannadihii u dambeeyey waxay xoogga saareen wacyi-gelin ku saabsan joojinta caado dhaqameedkan. Waxa la sameeyey doodo, shirar iyo qoraalo tilmaamaya cawaaqib xumada ka dhalata Gudniinka Hablaha.

Bishii labaad ee sannadkan, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxay soo saartay Fatwa ku saabsan Gudniinka Gabdhaha. Sidoo kale waxa laga rajaynayaa in dawladaa Somaliland oo ay hor kacayso Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqo galinta ay soo saarto Siyaasada Gudniinka Hablaha. Tani waxa ay hormood u noqon kartaa soo saarista xeer lagu xakameeyoo Gudniinka hablaha.

Iyada oo ay maanta ku beegan tahay “Maalinta Haweenka Caalamka”, Muwaadin  waxaanu kugu dhiirigelinaynaa  inaad ka qayb qaadato dadaalada socda ee lagu joojinayo tacadii kasta oo ka dhan ah gabdhaha,  kaalintaadu waa mid loo baahan yahay waana muhiim in aad xil iska saarto ka hortaga tacadiya loo gaysto haweenka adiga oo ka bilaabaya gurigaaga iyo ehelkaaga.

Dhammaan waxaanu u rajeynaynaa Haween-weynaha Somaliland Maalin Wanaagsan, Naruuro iyo Barwaaqo, Caafimaad iyo Nolol wacan. By: NAFIS Network

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here