“Madaxweyne; Waa in Sharciga La Hor Keena Cidda Lunsatay Lacagtii Xumbo-Weyne”

57
3162

Cabdi Haybe Maxamed

Hargeysa (Geeska)-Cabdi Haybe Maxamed, oo Xukuumaddii Daahir Rayaale ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Beeraha, haddana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu talaabo sharciya ka qaado oo uu Maxkamad soo taago cidii lunsatay mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa ee Xumbo-weyne, oo uu Wasiirka Biyuhu sheegay in lacagtii la lunsaday, waxaanu Hanti-dhawraha qarankana ugu baaqay inuu arintan baadhitaan ku sameeyo.
Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Shirkadan muranka badan dhalisay, iyo qodobo badan oo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi “Wasiirka Biyuhu warka uu sheegay, ee ahaa lacagtii ku baxay ee maaliyiinka ahaa waa la lunsaday, dadkana been baa loo sheegay, Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koorena run buu sheegay, oo wuxuu yidhi halkaas xunbo-weyne, wax rajo ah oo ka muuqata iyo wax biyo ah oo ka soo socdaa, midna ma jirto, taasina waxay muujinaysaa lacagtii halkaas loogu tagalay in si khaldan loo isticmaalay, Xukuumaddii hore ayaa umadda been u sheegtay, Wasiirkii qaabilsanaa ayaana hadda runta sheegay, Madaxweynaha waxaan leeyahay waa in sharciga la hor keena oo Maxkamad la soo taaga cidii lunsatay Lacagtii Xumbo-weyne, Hanti-dhawruhuna waa inuu baadha arintan,
Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Xukuumadda ayaa yidhi “Xukuumadda taladda haysa si cadaalada ah dadka waxba ugamay qaybin, waxa la moodayey inay umaddu u sinaanayso Maamulka iyo Xilalka,ee in reerana la qadiyo, reerana loo tuulo, ayaa cad, Wadanka waa loo soo wada dagalaamay, waa loo soo wada dhintay, ee la isku dul noolan maayo, dadna ha bakhtiyaan dadna cirka ha ka qabtaan, wadanka ma anfacayso.”
Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee Jabuuti la qabanayo ayaa yidhi “Jabuuti Somaliland waxba uma hayso, inkasta oo Jabuuti ay dhistay Madaxweynaha, oo dhaqaalihii la galiyey wax ku lahayd, haddana waligeed Somaliland ictiraaf may siisin, mana siinayso, waa lagu qaban karaa wada hadalada Jabuuti, laakiin ma la odhan karaa daacad ayey ka noqon kartaa anigu waxaan leeyahay maya, Turkiguna daacad kamuu ahayn wada hadalada ee Somaliya ayuu ahaa, Wadanka qudha ee Somaliland iyo Somaliya u garnaqi karaa ee dhex u noqon karaa waa Ingiriiska”.
Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Shirkadda Imaraadka ee muranka badan dhalisay ayaa yidhi “Waxan la wadaa waa booshaaq Shirkad ay Dawladdi leedahay ma jirto, mararna waxaan is yidhaahda Wadankani waa Wadan faasaxan, nin Wasiir kharaaji ku magacaaban iyo nin Safiir ku magacaaban ayaa haddana Agaasimayaal ka ah Shirkadan la sheegayo, Shirkadana wax alaale iyo wax dan ah oo ugu jirta Somaliland ma jirto, ee waa wax la doonayo in xoolaha umadda lagu dhaco, haddii uu ninku meel ku magacaaban yahay meel labaad laguma magacaabi karo, Ictiraaf bay inoo keenaysaana waa waxba kama jiraan, waa Shirkadihii Imaaradka ayey daba socotaa, dadkana yaan la wareerin Madaxweynuhuna waxan socda dalka iyo dadka ha ka qabto, waxyaabo badan oo khaldan baa jira, Saldhiga Milatari, DP World, Shirkaddan imika soo baxday, iyo wax badan oo la mid ah, markaas waxyabaaha khaldan ee dalka ka socda Madaxweynuhu wax ha ka qabto, oo sidii hore ee ay ahaayeen ha ku soo celiyo, tusaale ahaan Masuuliyiintii Xukuumadda ee arintan Shirkad ka hadlay siyaabo kala duwan bay uga hadleen, qaar waxay yidhaahdeen waa Shirkad ay Dawladdu leedahay, qaarna waxay yidhaahdeen waxba kama ogin, laakiin waxaad mooda NGO, dadka gaar lagu maalgalinayo, markaas waa in dib loogu noqdaa heshiisyada DP World, Saldhiga milatari, iyo Shirkadan imika soo baxday, umadduna inay ogolaataba maaha”.
Dhanka kale Cabdi Haybe oo hore u soo noqday Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, ayaa ku taliyey in aan wax xad gudub ha lagu sameeynin Shaqaalaha Dawladda, isla markaana sifo sharci daro ah aan lagu eryin, ee xaqooda iyo xuquuqdooda la siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here