Suldaan Xasan Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Ay Abaaruhu Hayaan

26
4911

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, kana mid ah madax-dhaqameedka dalka, ayaa ka hadlay abaarta ka taagan deegaanada qaar, waxaanu ku baaqay in loo gurmado oo la caawiyo dadka ay abaaruhu hayaan, gurmad deg deg ahna lala gaadho.

Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Sicir bararka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya abaarta “Abaar baa jirta, abaartana cid aan ALLE ahayn inagama soo jabin karo, ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu abaartaas raxmad iyo madar khayr qaba inoogu bedelo, dadkeena masaakiinta ah ee dhibaataysan, abaartuna hayso aynu u gurmano, oo aynu wax tarno, markaynu is caawino, oo aynu isku naxno, iskuna naxariisano ALLENA uu inoo naxariisanaya ee qof walba wixii karaankiisa ah ha ugu deeqo oo ha siiyo dadkeena abaartu hayso, ee baad iyo biyo midna haysan”.
Suldaan Xasan ayaa dhinaca kale talo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu ugu baaqay inay Xukuumaddu qaado talaabo kasta oo ay meesha kaga saarayso sicir bararka, madaama uu tilmaamay in sicir bararku yahay aafo qaran oo dadkii dhibaato iyo culays ku haya, waxaanu Ganacstada kala duwan ee dalka ugu baaqay inay maceeshada jabiyaan, una nasariistaan dadkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here