Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inuu U Sacabo Tumayo Qaangaadhnimada Golaha Guurtida Ee Khilaafkii Wakiilada Xaliyay

0
589

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa mar haddii uu dhammaaday khilaafkii golaha wakiilada Somaliland, wuxuu soo jeediyay in wada jir loo shaqeeyo.

Md. Siilaanyo, ayaa farriin kooban oo khamiistii la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku ammaanay golaha guurtida Somaliland. “Khilaafkii siyaasadeed ee golaha baarlamaanka waa la xaliyay. Wada jir ayaynu hore ugu sii socon karnaa. Waxaanu u sacabo tumaynaa qaan-gaadhnimada golaha guurtida.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi, qoraalka la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka.

Golaha guurtida Somaliland ayaa Arbacadii xaliyay khilaafkii golaha wakiilada oo saamayn ku yeeshay amniga guud ee Somaliland. Go’aanka ay golaha guurtidu ku xaliyeen khilaafkii ka jiray golaha wakiilada ayaa noqday mid ay labadii dhinac ee is hayayba u wada sacabo tumeen.