Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Kooxdii Ciyaarrtoyga Ahayd Ee Qurbaha Ka Timid

0
715

 

oday axmedHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay koox ciyaareed  ka socotay jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska kuwaas oo muddooyinkan dambe ciyaaro saaxiibtinimo la lahaa kooxaha gobalada dalka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhalinyaradaasi oo booqasho sharafeed ugu tagtay xafiiskiisa ayaa soo dhawayn ka dib waxaanu uga mahad celiyay siday dalkooda ugu soo hiloobeen waxaanu yidhi “Runtii markaanu aragno dhalinyaradiinan aadka u yar yar oo dalkii Hooyo yimid oo ku soo wareegay oo dalkoodii soo arkay oo xaalka dadkoodu ku sugan yihiin soo arkay.inshaalaahu waxaan rajaynayaa in socdaalkiinani aanu noqon kii ugu dambeeyay ee uu noqdo mid joogto ah.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, isagoo raaciyay, “Socdaalkiinani wuxuu dhiiri-gelin u noqonayaa dhalinyarada kale iyo idinkaba, waxay idiin noqonaysaa waxaad noqonaysaan dad ku xidhan dalkoodii iyo dadkoodii oo xaaladdu hadba halkay marayso aad ka war-qabi doontaan markii aad ku noqotaan dalkii aad ka timaadeenna waxaad uga warami doontaan dalkiinii,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan idin leeyahay soo dhawaada meel walba oo dalkiina ka mid ah taga, dhalinyarada aad dalka ugu timaadeena dhiirigeliya.”

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Md. Cabdi Siciid Faahiye iyo Guddoomiyaha wakaalada qurbo jooga Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax, ayaa madaxweynaha ka hor halkaasi ka soo jeediyay warbixin ay kaga waramayeen socdaalka kooxdan ciyaareed.

Gudoomiyaha Kooxdan qurbo-jooga ah Yaasiin Cumar Cabdi oo ka mid ahaa dhallinyaradii seeska u dhigtay ciyaaraha kubadda cagta ee dalka badhtamihii sagaashamaadkii, ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay kulankan uu la yeeshay waxaanu tilmaamay in arrintani dhiirigelin u tahay dhalinyarada qurbo jooga ah ee uu horkacayay oo safar ciyaareed ku soo maray qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka. Kooxdan uu Yaasiin Cumar Cabdi, guddoomiyaha u yahay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka.

Kulankaasi waxa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirka ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye.