Madaxweyne Geele Oo Ay Filan Waa’ Ku Noqotay Sida Uu Farmaajo Uga Hoos Baxay Djibouti, Siyaasadii Soomaaliyana Ugu Gacan-geliyay Ereteriya Iyo Itoobiya

39
3330

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo xukuumadiisa, ayaa u qaadan la’ sida ay dawladda Soomaaliya ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uga hoos dustay islamarkaana ay xidhiidh siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ula bilowday dalka Ereteriya oo ay Djibouti ka dhaxayso colaad guun ah oo aan weli xal loo helin.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaan qayb ka ahayn siyaasadda ay wadaan Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Madaxweyne Geele, waxa Soomaaliya ka jooga ciidamo kala duwan oo loo yaqaano Hiil walaal, waxaana intaas dheer taageero dhinacyo kala duwan ah oo ay Djibouti la soo garab taagnayd Soomaaliya tan iyo sannadkii 1991. Laakiin Madaxweyne Farmaajo wuxuu hadda soo dhawaystay Madaxweyne Afawerkiga Ereteriya oo uu weliba dalbaday in cunaqabtaynta tobanka sannadood saarnayd laga qaado.

Sida ay laanta Afka Soomaaliga ee BBC shalay baahisay dawladda Djibouti waxay filaysay in arrimaha Soomaaliya lagu tixgelin doono, waxna laga weydiino doono.  Waxay kaloo ka filaysay Soomaaliya in ay kala tashato wixii go’aan ah ee ay ka qaadanayso arrimaha mandaqadda iyo isbeddellada socda. Labadaba waxay u muuqdaan in aanay dhicin, oo uu Madaxweyne Farmaajo jid cusub jeexday. “Gaar ahaan tan dambe waxay ka cadhaysiisay Jabuuti oo cadhadeeda si ficil ah u muujisay ka dib markii ay safiirkeeda Soomaaliya ka fadhiya u yeedhatay.” Sidaas ayay BBC ku tidhi warbixinteeda.

Safiirka dawladda Djibouti u jooga Muqdisho Dr. Aadan Xasan Aadan ayaa wakhtigaas BBC u sheegay dareenka Djibouti  “Annagu waxaan ka sugaynay Soomaaliya inay annaga iskaaya barbar taagto, oo ay tiraahdo, haddii ay oranaysaba, ‘Jabuuti dhulkeeda Eritrea ha ka kacdo, maxaabiista walaalaheen ah ee reer Jabuutina ha la sii daayo’, laakin inay tiraahdo Eritrea cunaqabataynta ha laga qaado, waxaan u aragnaa walaalahayo is barbartaag ay isbarbar taageen ciddii naga gardarnayd, taana ma ahayn mid aan filanaynay” ayuu yidhi safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo BBC u warramay.

BBC, waxay sheegay Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu booqday Jabuuti, waddooyin diblomaasiyadeedna loo maray in la dhayo dhaawaca soo gaadhay xidhiidhka labada dawladood, misna weli ma cadda heerka lagu tilmaami karo inuu maanta joogo xidhiidhkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu booqday dalka Djibouti, waxa ay madaxda Djibouti diideen inay shirjaraa’id u qabtaan wada jir Madaxweyne Geele iyo Madaxweyen Farmaajo oo ay rayul caamka u bandhigaan in la dhayay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Mid ka mid ah baraha bulshada ee laga maamulo Muqdisho oo sanduuq twitter ah ayaa si weyn loogu weeraray toddobaadkan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo ay ku eedaynayaan inuu ka soo horjeedo isfahamka wadamada gobalka Geeska Afrika oo ay sheegeen inay madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya barwaaqo gaadhsiinayaan shucuubta bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here