Dawladda Farmaajo Oo Faashil Diblomaasiyadeed Kala Kulantay Golaha Ammaanka Oo Ka Diiday Dalabkii Cuna-Qabataynta Hubka

0
5146

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dawladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo ka diiday in Soomaaliya laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Laakiin taas bedelkeed waxa ay golaha ammaanku cod aqlabiyad ah cunaqabayntii kaga qaadeen Ereteriya oo ay saarnayd toban sannadood.

Qaraar uu golaha ammaanku shalay soo saaray wuxuu cod buuxa ugu ansixiyay in Ereteriya laga qaado cunaqabaynta, waxase ay sheegeen golaha ammaanku inay cusboonaysiiyeen cunaqabayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ay ku guul daraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Laakiin waxay golaha ammaanku sheegeen inaanay ku qancin qaraar ay dawladda Soomaaliya iyo dalal la saaxiib ahi soo hordhigeen golaha oo ah in laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran, waxaanay golaha ammaanku sheegeen inaanay Soomaaliya weli buuxin shuruudo lagaga qaadi karo cunaqabataynta.

Talaabadan ayaa faashil diblomaasiyadeed ku ah dawladda Madaxweyne Farmaajo oo weyday awood diblomaasiyadeed oo la miisaan ah dedaalka ay Itoobiya u gashay in Ereteriya laga qaado cunaqabataynta saarnayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here