Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Sababta Ay Xukuumadii Hore Turkiga Ugu Diiday Madaarka Cigaal Ee Hargeysa

29
4000

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo Turkiga u diiday inuu maalgashado madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Arab News oo uu Madaxweyne Biixi Hargeysa ugu waramay, wuxuu sheegay in in dalabkaas Turkiga ay xukuumadii hore sannadkii 2015 sabab uga dhigtay diidmadeeda xidhiidhka ka dhexeeya Turkiga iyo dawladda Soomaaliya. “Sidoo kalena Tan waa la diiday, sababtuna waa xidhiidhka uu Turkigu la leeyahay Muqdisho iyo sidoo kale taageerada dawladnimo ee uu siiyo Somaliya, si ku lid ah Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, sida ay wakaaladani werisay. Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil ayaa isna sheegay warkan.

Wakiilka Somaliland ee UAE waxa kale oo uu sheegay in xukuumadii hore ay diiday dalab uga yimid dawladda Iiraan oo ku saabsanaa inay xarun ka dhigato dekedda Berbera oo ay Isticmaasho. Wuxuu Mr. Baashe sheegay in Iiraan ay Somaliland u soo dirtay Guddoomiye-ku-xigeenka arrimaha caalamiga ah ee rugta ganacsiga, wershadaha, macdanta iyo beeraha ee Iiraan Reza Karbasi , “Dawladu way diiday qorshahaas soo jeedinta ahaa.” Ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here