Somaliland Oo Xaqiijisay In UAE Ogolaatay In Baasaaboorka Somaliland Lagu Galo Dalka Imaaraadka

34
3302

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Basaboorka Somaliland oo uu sheegay in Imaaraadka Carabtu aqbaleen in dalkooda lagu tago, waxaanu sheegay in Madaxda Imaraadka uu uga hambalyeynayo aqoonsiga ay aqoonsadeen Basaboorka Somaliland iyo waliba  aqbalada ay aqbaleen  in dalkooda lagu tago, waxaanu si gaar ah talo ugu soo jeediyey Hay’addaha ku shuqul leh Basaboorka, oo uu kula taliyey in aanay cid walba siinin Basaboorka ee ay dadka hubsadaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay laba wiil oo u dhashay Somaliland oo lagu afduubay Garoowe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Warkani waa war khayr qaba, waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa isku taga Imaraadka, siiba waxaan aad u hambalyeynayaa Madaxdooda, Sheekh Khaliifa, Sheekh Maxamed iyo Sheekh Mansoor iyo inta kale ee kula jirta Imaraadka oo dhan, talaabada geesnimada ah, ee xaqa ah ee ay qaadeen, taariikhda Somaliland waxay ka gali doonaan baal-dahab ah, aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa,in saddexdii Basaboor, kii Diblamaasiga, kii Shaqada iyo kii dadka caadiga ahba, in saddexdiiba la ogaaladay, oo noqonaysa bilawgii Ictiraafka Somaliland, oo Wadamo badana ku dayan doonaan, oo caruurteena iyo hablaheenu ay ka raysan doonaan Garowihii lagu bahdilayey, oo ay u doonayaan Basaboorka Somaliya, oo keenu bidmilaahi kariim uu noqon doono kuwa adduunka ugu qaalisan”

Mar uu ka hadlaayey talo ku waajahan adkaynta Basaboorka Somaliland ayuu yidhi “Waxaana dadka leeyahay waad og tihiin dhibaatada Basaboorka la idinku soo baday, waad og tihiin dhibaatada ID la idinku soo baday, waxaan leeyahay ha la adkeeyo bixinta Basaboorka, oo ha la ilaaliyo in aanu gacanta u galin argagixiso iyo dadka magaca xun leh, oo fool xun oo magaceena xumeeya aanu gacanta u galin, waliba waxaan la hadlayaa Hay’addaha ku shaqada leh, inay ilaaliyaan oo hubiyaan qofka Basaboorka qaadanaya, dadku wey isku wada eeg yihiin, dadka afrika wey isku wada eeg yihiin, ee ha la ilaaliyo Basaboorka”.

Eng:Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay Puntland oo uu sheegay inay Ciidamo soo dhoobayso Tukaraq, waxaanu si gaar ah fariin iyo talo ugu diray Isimada iyo Madax-dhaqameedka Puntland, waxaanu sheegay in aanay Somaliland aanay marnaba duulaan ahayn, balse aanay sinaba raali uga noqonayn in xadkooda lagu soo xad gudbo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay Laba wiil oo u dhashay Somaliland oo la sheegay in lagu afduubay Garooowe, waxaanu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo daayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here