Madaxweynaha Somaliya Oo Xagga Hore Kaga Jira Liiska Madaxda Dunida Ee Uu Maraykanku Telefoonadooda Dhagaysto

0
590

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku jira liiska hoggaamiyayaasha ugu horeeya ee ay hay’adaha sirdoonka Maraykanku telefoonadooda dhagaystaan.

Wargeyska dalka jarmalka ka soo baxa ee lagu magacaabo Der Spiegel , ayaa baahiyay magacyada 122 hoggaamiye siyaasadeed oo u badan kuwo hadda talada haya, waxaanu wargeysku liiskan ka helay ninka lagu magacaabo Edward Snowden oo ahaa qandaraasle Maraykan ah oo fashiliyay sirta Maraykanka kaas oo hadda magan gelyo ahaan ugu nool wadanka Ruushka.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud-ka Somaliya, ka mid yahay afarta madaxweyne ee ay sirdoonka Maraykanku sida gaarka ah u ilaashadaan telefoonadooda oo ay dhagaystaan. Afarta hoggaamiye ee ugu horeeya liiska ay  hay’adda NSA (National Security Agency) ee Maraykanku sida gaarka ah u dhagaysato ayaa kala ah hoggaamiyayaasha Malaysia, Somaliya, Falastiin iyo Peru. Warbixinta uu Wargeysku qoray waxay sheegtay in hay’adda ammaanka Maraykanku ay  afartaas hoggaamiye si gaar ah u beegsato dhagaysiga telefoonadooda, waxaana xogaha ay ka helaan telefoonada hoggaamiyayaashan ay la wadaagaan dalalka kale ee ay wadaagaan xogaha amni oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Kanada, Australia iyo New Zealand.

Hoggaamiyayashan telefoonada la dhagaysto ayaa u kala baxaya laba qaybood. Qayb uu Maraykanku ka shakinsanyahay inay amniga dalkiisa halis gelin karaan iyo qayb kale oo uu siyaasad ahaan u necebyahay, kuwaas oo uu xiisanayo inuu ogaado xidhiidhkooda iyo wada sheekaysiga ay la yeeshaan madaxda kale.

Dad badan ayay yaab ku noqotay ka dib markii ay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aan awood dhaqaale, milatari iyo saamayn siyaasadeed toona lahayn ku dhex arkeen afarta qof ee ugu horeeya ee uu Maraykanku sida gaarka ah u dhagaysto telefoonadooda, waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa tilmaamayaan in Maraykanku ka shakinsanyahay Madaxweynaha Somaliya.

 

Madaxda kale ee uu Maraykanku basaaso waxa ka mid ah haweenayda xukunta Jarmalka Angela Merkel, Madaxweynaha Suuriya Bashaar Asad, madaxweynihii hore ee Colombia Alvaro Uribe, raysalwasaarihii hore ee Somaliya ee 2003-2009 Cabdillaahi Bin Xaaji Axmed Badawi iyo kuwo kale.