Madaarka Cigaal: Qardo-Jeexa Wasiir Cali-Mareexaan Iyo Doodda Wasiirka Duulista

1
1141

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadn Haybe ayaa si faahfaahsan uga hadlay dhacdada haweenay reer Somaliland ah lagaga soo reebay diyaarada Fly Dubai oo ay la socotay.

Waxa uu wasiirku sheegay in haweenaydaasi ay ku dhex dagaalantay diyaarada isla markaasna kabtanka diyaaradaas masuulka ka ahaa uu ku adkaystay in amaanka diyaarada ay wax yeelaynayso, waxaanu dhaliilay qaabka wasiir Cali Xasan ( Cali Mareexaan ) uu uga hadlay dhacdadan iyo sababta uu ugu soo degay diyaarada oo uu isaguna rakaab ahaan u saarnaa. Wasiir Cali-mareexaan ayaa sheegay inuu gabadhaas darteed diyaaradda uga hadhayo, waxaana loo arkay talaabo uu wasiirka hawlaha guud ku farogelinayo shaqada wasaaradda duulista iyo hawada, ka dib markii uu cadaadis saaray duuliyihii diyaaradda waday.

Wasiirka duulista Farxaan Aadan Haybe ayaa wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan ku tilmaamay mid cadhooday isla markaasna aan eegin sharciyada u dajisan duulimaadyada iyo waxii la xidhoodha, wasiirka oo dhacdadan si dhamays tiran uga waramay weriye Badri koosaar oo ka tirsan Eryal Tv, wuxuu yidhi "Duulimaadkii tagaayay Dubai ee diyaarada Fly Dubai gabadh ayaa ka mid ahayd boqol iyo afartan iyo dhawr rakaab ah oo diyaarada raacayay, markaas gabadhan ku jirtay ilma yar ayay wadatay waxay fadhiisatay kursi aan keedii ahayn, diyaaradaha caalamiga ah qof walba kursigiisa waxa  ugu yaalaa warqadan uu sito, sharciga caalamiga ah weeye inuu qofku kursigiisa fadhiisto, gabadh shaqaalaha ka mid ah ayaa u tagtay oo waxay ku tidhi kani kursigaaga maaha ee kaagii fadhiiso gabadhii way la dagaalantay oo runtiina way caytantay markaas gabadhii shaqaalaha diyaarada ahayd waxay isku xanaaqeen aad ayaanu afku ugu duulay, sida ay warka igu soo siiyeen maamulka madaarku, maamulka madaarka iyo shaqaalaha kale ee joogaa way isku dayeen inay arinta dajiyaan, rakaabkii oo dhana guuxbaa dhex galay, diyaaradahana waxaasi uma fiicna oo waa xaasaasi amaankoodu, mid ciyaar gali karta maaha."

Wasiirka duulista oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Arintii waxa la gaadhsiiyay kabtankii diyaarada go'aan ayuu qaatay in aan qofkaasi raacin maadaama oo uu yahay qof dagaalamay, wasiirku [cali-mareexaan] waxa uu ka mid ahaa rakaabka cida diyaarada ku jirtaa wasiir ama madaxweyne ha noqotee waxa ka masuul ah kabtanka, waxa lay sheegay in la leeyahay qofkii diyaarada ma raacayo oo waa in laga reebaa maadaama oo uu yahay qof dagaalamay, telifoonka ayaan kala hadlay markaas waxaan isku dayay inaan dhanka aadaminimada ka eego maadaama oo uu isagu sharciga ku taagan yahay masuuliyadiina isaga ayaa leh oo hawada diyaarada marinaaya."

Intaas Kadib waxa uu wasiir Farxaan ka hadlay soo jeedintii Kabtanka"Kabtanku waxa uu soo jeediyay in masuuliyadii diyaarada ma damaanad qaadayno oo qofkani waa uu dagaalamay, markaas mar haddii uu qaatay go'aanka ah inuu qofkani mushkilad ku yahay diyaarada kabtanku sharciyan waa in loo tixgaliyo, markaas waxa uu soo jeediyay in dadkii diyaarada laga rogo oo ay madhnaan ku tagto maadaama aanu nabadgalyadii damaanad qaadayn, wasiirna kama masuul aha cid kale oo la socotaana kama masuul aha  iyo in qofkii laga reebo, waxa ii banaanayd wasiir ahaan inaan diyaarad kale dalbano oo iyada la badalo iyo inaan si sharci ah u eegno, markaas dadkii diyaarada saarnaa in badan ayaa dalal kale tagaaya oo leh xidhiidho diyaaradeed oo ay raaci lahaayeen kana baaqanaaya dib u dhac, mar labaadna amaanka diyaarada iyo dadka boqol iyo afartanka ah ee saaran ayaa ka muhiimsan qof la soo reebo oo diyaarad kale dib loo saaro, labadaas arimood dartood aniga ayaa go'aanka qaatay inaan diyaarada ka soo dajiyo oo qofkaas la soo reebo, ma garanaayo waxa wasiirka soo raaciyay, ma qaraabo ayay ahaayeen, wasiirka telifoonka ayaanu ka wada hadalnay oo waxa uu yidhi aniguna waan ka soo hadhayaa warbaahintana waan u yeedhanayaa oo waan la hadlayaa, waxaanan ku idhi hadaad la hadasho ceebi may dhicin nidaamkayagii saxa ahaa ayaanu marnay, masuuliyada madaarkuna wasaaradayda ayay hoos timaadaa, go'aankaanu qaadanayna mid sax ah ayuu ahaa."

Wasiirka oo la waydiiyay bal in khilaaf haatan dhex yaalo wasiirka waxa uu yidhi"Wasiirka saaxiib ayaanu nahay Cali, waanuna wada hadalnay markuu igu yidhi warbaahinta ayaan tagayaa oo waan hadlaya anigu waxaan ku idhi waxba kama qabo oo aniguna waan jawaabi, laba wasiir oo is hayana ma nihin ee isagu isaga oo rakaab ayuu hadlay, qofkuna rayi ayuu leeyahay. Saaxiibkay Cali waa uu cadhaysnaa oo waan arkaayay oo waxa uu yidhi haddii inanta la reebo aniguna waan soo dagayaa, markaas waxaan ku idhi haddii aad soo dagayso iyo hadii kaleba wasiir adigay ku jirtaa."

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe  oo la waydiiyay inuu wasiirkani xilkiisa wax yeelan karo maadaama oo uu ka mid yahay wasiirada madaxweynaha xidhiidhka dhow la leh, waxa uu yidhi"May may, waxba saamayn mayso, xilkayga Cali Mareexaan gacanta kuma hayo ee waa Alle qalinkiisa. laba wasiir oo siman ayaanu nahay."

 

Comments are closed.