Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera Oo Ka Hadlay Qorshayaashiisa Horumar Ee Sanadka 2019

1
2339

Hargeysa(Geeska)-Maareeyaha wakaalada biyaha ee Berbera Md.Axmed Aadan Ismaacil ayaa sheegay in wakhtigan ay u diyaar garoobayaan sidii biyo balaadhin loogu samayn lahaa qaar ka mid ah xaafadaha mgaalada Bebera, waxaanu sheegay maareeyuhu in laba goobod oo cusub ay biyo ka soo saareen kuwaas oo kala ah Kala-jab iyo Galgumare.

Waxa uu maareeyuu xusay in Berbera tahay magaalada ugu qiimaha jaban dhanka biyaha guud ahaan magaalooyinka Somaliland. Maareye Axmed Aadan ayaa sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa.

Ugu horayntii maareeyaha wakaalada biyaha ee Berbera oo ka waramaayay xaalada biyaha ee magaaladaas waxa uu yidhi “Xaalada biyaha ee magaalada Berbera waa laba xili, xiliga xagaaga runtii waa ay nagu yaraadaan, xiliga jiilaalkana waa biyo badan oo dadka ku filan, xiliga xagaaga waxa sare u kacaaya baahida biyaha ay dadku u qabaan taas oo isticmaalkii laban laabaysa, tusaale ahaan halka jiilaalkii uu laba  jeer maydho qofku waxa uu xagaagii ka maydhanayaa shan jeer ugu yaraan, xaalada biyuhu wakhtigan  jiilaalka waa mid fiican oo dadku biyaha waa ay helaan waliba si wanaagsan.”

Maareeye Axmed Aadan oo ka hadlayay goobaha biyahu uga yimaadaan magaalada waxa uu yidhi“Guud ahaan Berera waxa ay leedahay afar goobood oo ay biyahu magaalada ugu yimaadaan Faradeero oo ceelal ah, Dubaar oo biyo il ka soo baxaaya, waxa aan hada shaqayn oo gacanta lagu hayaa Galgumare iyo Kala-jab oo ha soo kala horeeyaane sanadka fooda inagu soo haya aan filayno inay magaalada biyo soo gaadhsiin doonaan. Qiimaha oo kale halkii Mitrakuyuub waxaanu siinaa 9000 SL( Shan tii foostto ), Magaaladu waxay heshaa 3000 Mitrakuyuub oo u dhigma 15000 oo foosto maalintii, waxa  labadan qaybood ee cusubi ay nagu soo biirinayaan 4500 Mitrakuyuub oo ilaa 22000 oo foosto oo ay wax la jiraan ayaa magaalada ku soo kordhaaya, waxaana lagu qiyaasaa in magaalada Berbera ay u baahan tahay maalintii 8000 Mitrakuyuub oo biyo ah.”

Ugu danabyntii waxa uu sheegay maareeye Axmed Aadan in ay samayn doonaan biyo balaadhin“Sida oo kale waxaanu biyo balaadhin ku samayn doonaa xaafado magaalada ka mid ah oo beebab cusub iyo nidaamkii biyaha lagu fidin doonaa sanadkan fooda inagu soo haya ee 2019-ka.”

Waxa uu maareeyuhu ugu baaqayn dadka magaalada Berbera inay biyaha weel ay ku kaydsadaan ay u samaystaan si ay u waanjiyaan amaankooda dhanka biyaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here