UCID Iyo Waddani Oo Ka Hadlay Kulankii Ay Madaxweynaha La Yeesheen Iyo Yididiilada In Wada Hadaladu Guulaystaan

0
1014

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa ka hadlay waxyaabihii ay madaxweynaha ka wada hadleen kulankii habeen hore ay isku soo hor fadhisteen.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay In beesha caalamku ay Somaliland culays ku saartay in doorashadu aanay dhaafin 2019, isla markaasna ay haatan xisbiyadu dib u bilaabayaan wada hadaladii hore u burburay si meesha looga saaro kala duwanaashaha, musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Maxamed Aw Cali ayaa dhankiisa sheegay in 19 bishan ay dib u furmayaan wada hadaladii xisbiyada ee loogu talo galay in doorashada xal loogu raadiyo.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe  ugu horayntii warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“Madaxweynuu waxa uu ogolaaday gogashii Alle mahadii weeye, waxaanu ka wada hadalnay qiimaha ay leedahay inay doorasho dhacdo oo aanay ka danbayn 2019-ka, waxaanu falanqaynay in aduunku noo keenay digniin ay leeyihiin haddii 2019-ka ay dhici waydo doorashada Somaliland waxay noqonaysaa arin la ilaabay, waanu qiimaynay shacbigayaga oo u baahan inay dad cusub doortaan oo baarlamaan cusub iyo dawlado hoose oo cusub ay doortaan oo dadku u baahan yahay in isbadal yimaado. Waxaan isku raacnay in doorashadu ay 2019-ka dhacdo, waxii caqabad ah ee hortaagan farsomo ahaana in la dhameeyo, wada hadaladii aan soo celino oo khati xadidan loo sameeyo, in waxii yimaadan wada jir loo dhameeyo.”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu sheegay in dalalka beesha caalamka ee taageera somaliland ay Somaliland soo gaadhsiisay farriimo culus oo ah inaanay doorashadu dhaafin sannadka 2019, haddii kalena ay Somaliland waajihi doonto culays siyaasadeed oo caalami ah.

Maxamed Aw Cali Cabdi musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani ayaa dhankiisa sheegay in 19-ka bishan ay dib u furmayaan wadahadaladii xisbiyada ee arimaha doorashooyinka “ Waxa laysla gartay oo kulankaas ka soo baxay in wadahadaldii hore u burburay ee xisbiyada qaranku dib ay u qabsoomaan, kadib markii uu culays ka yimi aqoon yahanka iyo waxgaradka Somaliland iyo beesha caalamka, waxa laysla ogolaaday in muwqifkii xisbiga ee doorashada golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka  in aanay dib uga dhicin sanadka soo socda 2019, in wadahadalada xisbiyadu ay bilaabmaan Arbacada soo socota oo bishu ay tahay 19.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here