Kurdiyiinta: Boqollaal Sano Oo Dagaallo Ah, Fashilaado Is Xiga Oo Siyaasi Ah Iyo Wacadfur Aan Tiro Lahayn (Q.2aad)

0
3452

Hargeysa (Geeska)- Dib u gurashadii dawladdii Cusmaaniyiintu markii ay ku jabtay dagaalkii koowaad ee adduunka oo dhacay intii u dhexeysay 1914 illaa 1981 kii, waxa ay Kurdiyiinta u noqotay fursad ay ku raadsadaan xuququdooda qawmiyadeed ee dhinaca siyaasadda, taas oo ay kala sinnaayeen qawmiyadihii kale ee hore uga tirsanaa dawladda Cusmaaniyiinta, sida Carabta oo dawlado kala duwan samaystay.

Damaca siyaasiga ahaa ee Kurdiyiintu waxa uu ku bilowday dhaqdhaqaaqii Kurdiyiinta ee uu hoggaaminayey Sheekh Maxamuud Alxafiid Albarsanji, oo la xulafoobay Ingiriiska, dagaalkii 1918 kii ee Cusmaaniyiinta ka dhanka ahaa. Markii Ingiriiskii uu garab siinayey ka awood bateen dawladda Cusmaaniyiinta oo dib uga baxday dhulka Kurdiyiinta, Sheekh Maxamuud waxa uu dhisay maamulkii ugu horreeyey ee madax bannaan ee ay Kurdiyiintu leeyihiin. Kaas oo uu ka dhisay degmada Sulaymaaniya oo ka mid ah dhulka ay Kurdiyiintu degaan ee dalka Caraaq. Nasiibdarro maamulkaasi oo uu dhisay sannadkii 1919 kii ma’ uu cimri dheeraan, oo afar sano gudahood ayaa uu ku burburay sannadkii 1922 kii.

Ballanqaadkii iyo rajadii beenowday

Afar sano kaddib markii dagaalkii labaad ee adduunka lagu kala adkaaday. Sannadkii 1923 kii waxaa dhacay heshiiskii Luisiana la baxay oo wax ka beddel ku samaynayney heshiiskii ka horreeyey ee Sevres oo ah kii ay dawladdii Cusmaaniyiintu ku qiranayso jabka, isla markaana ku ogolaatay shuruudihii uu isbahaysigii guulaystay ku xidhay nabadda. Heshiiskaas Luisiana waxa uu xaddiday xuduudka Turkigu yeelan doono oo ah kan illaa maanta jira, laakiin heshiiskani waxa uu meesha ka saaray qodob ku jiray heshiiskii ka horreeyey oo ahaa Sevres oo Cusmaaniyiinta ku qasbayey in ay Kurdiyiinta dhulkooda u gooyana si ay dawlad madaxbannaan u noqdaan. Heshiiska Luisiana waxa uu been ka dhigay wacad uu hore Ingiriisku ugu qaaday Kurdiyiinta oo garab istaagtay xilligii dagaalka in uu u samayn doono dawlad u gaar ah.

Wacadfurkan Ingiriisku ku sameeyey Kurdiyiinta ayaa sabab u noqday in Kurdiyiintu ay mar kale boodhka ka tumaan dhaqdhaqoodii uu hoggaaminayey Barasanji oo halgankiisu sii socday tan iyo sannadkii 1931kii. Kaddib waxaa bilowday dhaqdhaqaaq labaad oo uu hoggaaminayey Axmed Mustafa Albarasaani. Halkankan dambe oo saldhiggiisu ahaa degaanka Baraan ayaa isna xooggiisu bilowday sannadkii 1932 kii.

Sannadkii 1943 kii, dhaqdhaqaaqyadii Kurdiyiintu waxa ay gacanta ku dhigeen deegaannada Erbiil iyo Bedinaan ee kurdiyiinta Ciraaq. Dagaalkii waa ay sii wadeen oo waxa ay isku fidiyeen dhulka Kurdiyiinta ee gala dalka Iiraan, waxa aanay ugu dambayntii ku guulaysteen in dhulkaas ay Ciraaq iyo Iiraan ka kala qabsadeen ay sannadkii 1946 kii kaga dhwaaqaan jamhuuriyad madaxbannaan oo la magac baxday ‘Mahabaad’. Jamhuuriyaddaas waxaa taageero buuxda siiyey dawladdii Midowga Soofiyati.

Nasiibdarro jamhuuriyaddii Kurdiyiinta ee Mahabaad waxa ay ku burburtay sannad gudihii, kaddib markii dhulkii ay ku fadhiday dib looga wada qabsaday Kurdiyiinta, isla uu nidaamkii Shaah ee dalka Iiraan dil daldalaad ah ku fuliyey madaxweynihii jamhuuriyadda oo ahaa Qaadi Muxammed, sannadkii 1947 kii.

Ilaalada albaabka bari ee Israa’iil

Jabhaddii Kurdiyiinta kuma niyadjabin wacadfurkii kaga yimid Ingiriiska oo kaga baxay dawladnimadii uu u ballanqaaday iyo Midowga Soofiyati oo garab istaagay jamhuuriyaddoodii Mahabaad. Markan waxa ay taageero ka raadsadeen Israa’iil. Xidhiidhka Israa’iil iyo Kurdiyiintu ma’ uu cusbayn, oo muddo dheer ayaa uu si xooggan oo aan qarsoodi ahayn u soo jiray. Israa’iil waxa ay ka mid ahayd nidaamyadii ugu horreeyey ee taageeray dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta. Waxa uu xidhiidhkaasi sii adkaaday markii lagu dhawaaqay mabda’ii ahaa ‘Go’doominta saddexaad’

La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here