Kurdiyiinta: Boqollaal Sano Oo Dagaallo Ah, Fashilaado Is Xiga Oo Siyaasi Ah Iyo Wacadfur Aan Tiro Lahayn (Q.1aad)

24
2573

Hargeysa (Geeska)- Qadiyadda Kurdiyiintu waxa ay ka mid tahay mawduucyada qarnigii u dambeeyey dundi loogu hadal haynta badnaa, waxaa suurtagal ah in ay qadiyadda Falastiiniyiinta, Hadal haynta waxa loo yaqaanno argagaxisada iyo midabtakoorkii Koonfur Afrika oo keliyi ka horreeyaan, marka laga hadlayo qadiyadaha jiitama ee aan tirada lagu darayn dhacdooyinka waaweyn ee mar inta ay dhacaan dhammaada.

Siyaasadaha Iiraan, xaaladaha Ciraaq, colaadaha Suuriya iyo amniga qaranka ee Turkiga intaba haddii la soo hadal qaado waxaa qasab noqonaysa in la’ xuso Kurdiyiinta. Haddaba qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo ururinayaa taariikh kooban oo ku aaddan Kurdiyiinta iyo qadiyaddooda oo mar kale dunida ku soo noqotay markii dhowaan uu ka fashilmay iskuday ay doonayeen in ay kaga go’aan dalka Ciraaq.

Kurdiyiintu waxaa bariinsaday masiibooyin ay ka mid tahay dhulkooda oo la qaybsado, wacadfur kaga yimaadda quwado waaweyn iyo nidaamyo siyaasi ah oo ay wax isku ogaayeen, colaado kaga yimaadda dawlado awood badan iyo muwaafaqo la’aan dhexdooda ah oo qadiyaddooda hagardaamaysay.

Kurdiyiintu waa ummad taariikhi ah oo soo jirtay xitaa dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hor, si la mid ah bulshooyinka kale ee dunidana waxa ay noloshoodu isugu jirtaa nolol baadiye iyo mid magaalo oo labaduba leh xadaarad guun ah.

Tan iyo bilowgii taariikhdooda Kurdiyiintu waxa ay u halgamayeen in ay dhisaan dawlad u gaar ah, laakiin mar keliya halgankoodaasi midho dhal ma’ uu noqon. Waxa se ay mar kasta lahaayeen maamul hoosaadyo iyo nidaam maamul gobaleedyo ah oo dawlado kale hoos taga ama ay gumaystaan. Sida oo kale mar keliya uma ay suurtogelin in ay qawmiyadda Kurdiyiintu noqoto ummad midaysan oo hal meel wada deggen. Imaaradaha yaryar ee taariikhihii hore ay lahaan jireen waxaa ka mid ahaa, ‘Marwaaniyah’ iyo ‘Badrakhaaniya’.

Kurdiyiinta casriga ahi waa muslimiin Sunni ah, waxa aanay diinta Islaamku gaadhay oo ay qaateen xilligii uu hoggaanka Muslimiinta hayey Cumar Bin Khadaab (Alle ha ka raalli ahoodo e’), sida ummadihii kale ee muslimiinta ayaanay muddo dheer ka mid ahaayeen dawladihii kala dambeeyey ee Islaamka ku abtirsanayey. Waqtigaas oo lagu tilmaamo in uu ka mid ahaa kuwii ugu fiicnaa ee ay Kurdiyiintu helaan xuquuqdooda siyaasiga ah, maadaama oo ay la sinnaayeen muslimiinta kale oo dawladahaas Islaamku aanay Ciriq iyo qabiil u kala saari jirin. Waxa aanay beryahaas yeesheen magacyo taariikhda Islaamka baalal dahab ah ka galay oo illaa maanta la xuso. Waxaa ka mid ah halyeeygii weynaa ee Salaaxuddiin Al-Ayuubi oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ugu caansan taariikhda Islaamka, dhalasho ahaanna Kurdi ahaa. Waxa kale oo ka mid ahaa, sida ay taariikhuhu u badinayaan Sheekhii Islaamka ee ‘Ibnu Taymiya’ oo isna ka dhashay qawmiyadda Kurdiyiinta. Magaciisuna illaa maanta ku sawiran yahay culimadii ugu mudnayd ee qarniyadii fadilnaa kadib soo mara diinta Islaamaka, kuna suntan saxar tiridda iyo dib u dardargelinta caqiiqada Islaamka.

Kurdiyiintu waxa ay guulo iyo qiimayn gaar ah oo aad loo xuso heleen xilligii ay muslimiinta hoggaaminaysay dawladdii Cusmaaniyiintu. Sababaha ugu waaweyn ee ay dawladda Cusmaaniyiintu sidaas u yeelaysayna waxa ay ahayd in laga hortago isballaadhintii ay xilligaas waday imbaraadooriyaddii Safawiyiinta oo ka imanaysay dhinaca Iiraan, marka ay dhinaca dawladda cusmaaniyiinta isu soo fidinaysana ay noqonaysay in ay soo marto dhulka Kurdiyiinta.

Safawiyintu waxa ay ahaayeen Imbaraadooriyad xoog badan oo ka curatay dhulka Beershiya ee hadda Iiraan u badan tahay, waxa aanay talinayeen intii u dhexeysay 1501 dii illaa sannadkii 1722 kii oo ay xukunka ka tuurtay Imaraadooriyaddii Hootaakiya ee dhinaca Afgaanistaan ka soo fidday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here