KULMIYE Oo Magacaabay Guddiga Fulinta Gobalka Hawd

0
630

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa iyo guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE ee gobalka Hawd.

Qoraal uu Muuse soo saaray ayaa lagu yidhi sidan “Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Guddida Fulinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, waxa maanta [shalay] oo ay bishu tahay April 18th, 2017 loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Guddida Fulinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.  

1. Xasan Digaale Xuseen – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

2. Muxumed Aw Daahir Ismaaciil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

3. Cabdillaahi Maxamed Cali – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

4. Cabdiqani Faysal Maxamed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

5. Jamaad Aw Ismaaciil Qallinle – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

6. Xaawa Abiib Cabdi – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

7. Safiya Ismaaciil Daahir – In maanta laga bilaabo ay ahaato Afhayeenka Garabka Haweenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

8. Cabdixakiin Maxamed Maxamuud (Cabdixakiin Cujuul) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

9. Axmed Cabdillaahi Aw Cabdi (Axmed Daahir) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hawd.

10. Cabdirisaaq Muuse Cali – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

11. Cabdiqaadir Barre Raage – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

12. Cabdirixiin Cabdillaahi Yuusuf – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgalyada Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

13. Ibraahim Yuusuf Mooge – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

14. Cabdi Cumar Xaashi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

15. Cabdalle Maxamed Kirix – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-Xigeenka Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE. 

Waxa aan u rajaynayaa masuuliyiinta magacyadoodu kor ku xusan yihiin in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda xilalkooda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.