Kulanka Biixi & Abiye Axmed: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Ee Xidhiidhka Labada Dal, Isticmaalka Dekedaha Iyo Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

0
1293

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiye Axmed.

Madaxweyne Biixi, waxa madaarka ku qaabilay Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Hirut Zemene, waxaana magaalada Addis Ababa loogu soo dhaweeyay si diiran, iyadoo qolka martida markii u horaysay la dhigay calamada Somaliland iyo Itoobiya.

Kulanka Biixi iyo Abiye

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa shalay gabal dhicii wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Biixi, waxaanay yeesheen kulan fool-ka-fool ah oo ay isku horfadhiisteen labada hoggaamiye iyo labada wefti ee ay kala wateen.

Qoraalada la soo saaray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa kulankaas ka dib soo saaray qoraalo ay kaga hadleen waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen.

Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaas ka dib waxa bartiisa twitterka la soo geliyay qoraal kooban oo uu kaga hadlay kulanka uu la yeeshay Raysalwasaare Abiye Axmed, waxaanu Madaxweyne Biixi yidhi  “Waxaan xafiiskiisa kula kulmay raysalwasaaraha dawladda Federaalka Itoobiya Dr. Abiye Axmed. Waxaanu ka wada hadalnay siyaabaha loo sii xoojin karto xidhiidhka laba geesoodka ah ee ganacsiga iyo iskaashiga labada wadan.”

Madaxtooyada Somaliland ayaa iyana qoraal ay soo saartay waxay ku tidhi “Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga  labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda,  dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada  geeska Afrika.”

Raysalwasaare Abiye

Idaacadda FANA ee dawladda Itoobiya ayaa iyaduna baahisay qoraal uu kulankaas ka soo saaray Xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaanu xafiiska Abiye Axmed, sheegay inay Madaxweyne Biixi ka wada hadleen dhawr qodob oo muhiim ah kuwaas oo ay ka mid tahay xoojinta xidhiidhka labadooda ummadood; xaqiijinta in xaaladda dadka Itoobiyanka ah ee Somaliland ku noool la wanaajiyo iyo in wada jir looga shaqeeyo arrimaha la xidhiidha nabadda iyo ammaanka.

Warku waxa uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ammaanay tallaabooyinka midnimada iyo iskaashiga gobalka la xidhiidha ee uu qaaday raysalwasaare Abiy Axmed, isla markaana waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aqbalay soo jeedinta raysalwasaaraha Itoobiya ee ahayd in aad loo sii adkeeyo, xidhiidhka wada shaqayneed ee dhow ee ay leeyihiin Somaliland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Gaar ahaan arrimaha la xidhiidha heshiisyada hore loo gaadhay, si mustaqbalka ay u bilaabaan wada hadallo fool-ka-fool ah.

Warka idaacadda FANA ay ku baahisay shabakaddeeda wararka ee Internetka waxa kale oo ay ku sheegtay in ay Somaliland iyo Itoobiya, ka wada hadleen, isticmaalka dekedaha Somaliland, arrimo kale oo dhaqaalaha la xidhiidha, sida uu caddeeye xafiiska raysalwasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay gaadhay magaalada Addis Ababa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole ku soo dhoweeyey wasiirka maaliyadda ee dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide, iyo wasiirudawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Farmaajo iyo Biixi

Waxa iyaguna meesha ka baxay warar soo baxayay oo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in Madaxweyne Biixi ay Addis Ababa kul kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo socdaal ku joogay dalka Djibouti, laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay u socdaalay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna beeniyay warkaas, waxaanu xafiiska Madaxweyne Farmaajo u sheegay wargeyska The Reporter inaanu jirin kulan qorshaysnaa inuu Addis Ababa ku dhex maro labada Madaxweyne, “Labada hoggaamiye ma kulmayaan, mana jiro wax kulan ah oo qorshaysnaa.” ayay tidhi madaxtooyada Soomaaliya.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, socdaalka uu shalay Madaxweyne Biixi ku tagay Addis Ababa iyo kulanka uu la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, wuxuu muhiim u yahay Somaliland iyo siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha, waxaanu kulankani noqonayaa kii u horeeyay ee dhex mara Madaxweynaha Somalilad iyo Raysalwasaaraha Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here