Khatarta Cudurka Jadeecada Iyo Da’da Ugu Habboon Ee Ay Tahay In Ilmaha Laga Dallaalo

53
3464

Berlin (Geeska) – Jadeecadu waa caabuq aad u daran oo uu sababo fayraska loogu magac daray ee ‘Measles Virus’. Calaamadaha cudurkani waxa ay inta badan sii jiraan 10 illaa 12 maalmood, waxa aanu caan ku yahay xummad ka sarraysa 40 digree, quffac, sanka oo biyo ka dareeraan, indhaha olol yeesha, iyo baro yaryar oo caddaan ah oo afka gudihiisa lagu arko. Cudurkan oo inta badan carruurta ku dhaca, laakiin dadka waaweyn qudhoodana lagu arkaa waxa uu caan ku yahay finan wejiga ah oo saddex illaa shan maalmood gudahood jidhka oo dhan ku faafa. In kasta oo inta badan laga bogsada, waxaa mararka qaarkood dhacda in ay ka dhashaan xaalado ay ka mid yihiin, shuban aan la xakamayn karin, indho beel, maskaxda oo qofka boogowda iyo oofwareen. Khatarta ugu daran ee cudurkani waa carruurta shan jirka ah oo uu ka mid yahay lixda cudur ee dilaaga ah ee ay tahay in yaraanta lagaga tallaalo.

Haddaba goorma ayaa la tallaalaa?

Guddida joogtada ah ee tallaalka oo hoostagta maxadka Robert Koch ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in ay fiicantahay tallaalka koowaad ee cudurkan ilmaha la siiyo inta uu ku jiro bisha 11-naad illaa 14 naad, tallaalka labaadna uu ahaado da’da u dhexeysa 15 illaa 23 bilood. Haddii ilmaha la geynayo goobaha carruurta lagu hayo / daryeelo oo ubad badan la isugu keenana waxaa fiican in tallaalka hore loogu soo mariyo, oo la siiyo inta u dhexeysa 9 illaa 10 bilood. Mar labaadkana uu qaato bilowga hore ee sannadka labaad ee cimrigiisa.

Cudurkan waxaa lagu kala qaadaa hindhisada, qufaca iyo xidhiidh toos ah oo lala yeesho bukaanka. Waxa aanay dhakhaatiirtu ku talinayaan in ilmaha uu cudurkani ku dhaco la siiyo nasasho buuxda, qolka uu jiifayaana uu noqdo mid deggen oo ilayskiisuna yar yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here