Jimicsiga Luguhu Waxa Uu Ka Hortag Fiican U Yahay Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca

34
3818

Washington (Geeska) – Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in jimicsi fudud oo lugaha loo sameeyo 10 daqiiqo oo keliya maalintii ay ka hortag fiican u tahay dhibaatooyinka caafimaad darro ee sababtoodu tahay fadhiga badan, gaar ahaan wadne xanuunka. Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in fadhiga waqtiga badan ee gaadhaya lix saac maalintii la fadhiyo, gaar ahaan dadka xafiisyada ka shaqeeyaa, uu sababo hoos u dhac ku yimaadda burqashada dhiigga ee caawisa wareegga dhiiggu uu ku gaadhayo, waaxyaha, xubnaha iyo unugyada jidhka. Waxa aanu raad caafimaad darro ku yeeshaa awoodda ay halbawlayaasha dhiiggu u leeyihiin in ay kala baxaan si ay u qaadi karaan korodhka burqashada dhiigga marayaa. Waana halka ay ka bilaabmayso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Tijaabooyin ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa muujiyey in qofka oo dhabarka u jiifsada kaddibna jimicsi fudud u sameeya lugaha muddo 10 daqiiqo ahi ay xakamayso dhibaatada uu fadhiga badani keenayo. Wax yaabaha ay caawiso waxa kale oo ka mid ah in dhiiggu uu si habsami ah u gaadho lugaha, iyada oo la ogyahay in fadhiga badani caqabad ku yahay gaadhista dhiigga ee lugaha hoose, sababna u noqdo in ay bararaan. Waxa kale oo uu jimicsigan fududi daweeyaa taagdarrada ku dhacda shaqada xididdada yaryar ee dhiigga oo ah kuwa quudiya muruqyada lugaha.

Cilmibaadhiso hore ayaa lagu ogaaday in dhaqdhaqaaq la’aanta badan ee cagaha ku dhacdaa ay dhibaato ku keento muruqyada waaxyaha hoose ee jidhka oo ah kuwa caawiya dhaqdhaqaaqa, gaar ahaan marka sallaamada la korayo. Waxa kale oo ay daciifiyaan kaadi mareenka.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dhaqdhaqaaq la’aanta jidhku ay tahay sababta koowaad ee keenta qiyaas boqolkiiba 21 illaa 25 ah, kansarka ku dhaca xiidmaha iyo naasaha, boqolkiiba 27 xaaladaha cudurka macaanka ah, iyo ku dhowaad boqolkiiba 30 ah cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here