Jacaylka Aynu U Qabno Cunista Hilibka Xooluhu Waa Dareen Nafsi Ah Oo Aynu Awoowyadeen Ka Hidde Raacnay

49
3486

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in uu jiro dareen xoog badan oo dadka badankooda ku riixa cunista hilibka, kaas oo marar badan ka badiya xitaa doonistooda ah in ay iska yareeyaan ama joojiyaan. xogta cusub ee cilmibaadhistani soo kordhisay ayaa sii iftiiminaysa sababta ay ku dhacdo in dadka badankoodu aanay ka joogsan cunista hilibka xoolaha oo khubarada caafimaadku ay ku sheegaan khataro badan oo caafimaad.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen Dr. Eugene Chan iyo Dr. Natalia Zlativska oo ka kala tirsan jaamacadda University of Technology iyo jaamacadda Monash University ee dalka Ustareeliya, ayaa sheegaysa in jacaylka hilibka loo qabaa ay tahay habdhaqan hidderaac ah oo ka soo jeeda noloshii hore ee bani’aadamka.

Bilowgii xadaaradda aadamaha dadku waxa ay ahaan jireen beeraley ku nool dalagga beeraha, sidaa awgeed xoolo dhaqashadu waa ay yarayd, hilibka xooluhuna waxa uu ka mid ahaa cuntooyinka aadka qaaliga u ah, sidaa awgeed dad kooban ayuun baa awoodi jiray in ay iibsadaan. Hilibku waxa uu calaamad u noqdo xaaladda dhaqaale iyo bulsho ee qofka cunaya. Boqorrada, dadka talin jiray ama dabaqadda sare ee labeenta bulshada lagu tirin jiray ahaa, ayaa hilibka joogto u cuni jiray, halka beeraleyda ay aad ugu yarayd cunista hilibku. Arrintaasi waxa ay abuurtay faham ah in hilibku uu ka mid yahay cuntooyinka dadka ladan dhaqaale ahaan ama dabaqadda saree e bulshada ku tirsan. Waxa aana ka dhashay in qof kasta oo dhaqaalihiisu koraa uu bilaabo cunista hilibka, ugu dambayntiina uu ka mid noqday cuntooyinka loogu cunista badan yahay.

Cunistii joogtada ahayd ee hilibka iyo dareenkii laga qabay in uu yahay cuntada dadka ladan oo sababay in qof kasta oo ladnaada ama doonaya in loo arko dabaqadda ladani uu bilaabo cunista hilibku waxa ay ugu dambayntii abuurtay dareen nafsadeed oo balwad ka dhigay cunista hilibka. Waxa uu la falgalay dareenka maskaxeed ee qofka iyo damaciisa cunto, waxa aanu ugu dambayntii noqday cunto dadka badankoodu cunaan oo xitaa digniinaha caafimaad ee laga sheegaa aanay wax badan ka beddelin tiro badnaanta dadka cunaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here