Jaamacadda Carabta Oo Ku Dhawaaqday Dedejinta Caawimooyin Kala Duwan Oo Ay Markii U Horaysay Siinayso Somaliland

0
496

carabaQaahira (Geeska)- Ururka jaamacadda Carabta ayaa kulankiisii 141 ee heer wasiir arrimo dibadeed waxa xoghayaha guud ee ururka jaamacadda Carabta lagaga codsaday in uu dedejiyo dhamaystirka mashaariic caawimo oo taabanaya dhinacyada caafimaadka, dab-damiska iyo daryeelka deegaanka oo jaamacadda Carabtu ay ugu deeqayso Jamhuuriyadda Somaliland. Caawimadan oo qayb ka ah caawimo ay jaamacadda Carabtu si guud ugu talo gashay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa waxa uu shirku ka codsaday xoghaynta ururuka Jaamacadda Carabta in Somaliland loogu deeqo laba baabuur oo dab-damis ah, agabka daryeelka deegaanka iyo qalab caafimaad oo ay ka mid yihiin mishiinno iyo shay-baadho kelyaha lagu sifeeyo iyo qalabka sawirka shucaaca ah ee caafimaadka loo adeegsado, waxa kale oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ururka jaamacadda Carabtu ka dalbadeen xoghayaha guud iyo gacan-yarayaashiisa in ay dhaqso Somaliland u soo gaadhsiiyaan gawaadhida gurmadka-caafimaadka, mashruucan ballaadhan oo ay Jaamacadda Carabtu sheegtay in uu qayb ka yahay caawimo ururkoodu ugu talo galay wixii la isku odhan jiray  Soomaaliya.

Kulankan ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar oo ay wasiirrada arrimaha dibadda Carabtu ugu gogol xaadhayeen shir-madaxeedka jaamacadda Carabta oo lagu wado in uu dalka Kuwait ku qabsoomo 25ka iyo 26ka bishan Saddexaad waxa kale oo dalalka xubnaha ka ah jaamacadda Carabta lagaga codsaday in ay Soomaaliya ka dhaafaan deymihii ay hore ugu lahaayeen si ay dowladda Federaalka ah ugu suurtogasho in ay lacago ka amaahdaan hay’adaha lacagta ee caalamiga ah iyo dalalka dunida iyo in dowladdaas lagaha shaqeeyo dib u dhiska amniga iyo ciidamada iyaga oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobeyna ugu baaqay in laga wada qaado xayiraadda soo iibsiga hubka ee saaran.

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Carabta oo qabsoomay 6dii illaa 9kii bishan waxaa xubnaha Carabta loogu baaqay in ay dowladda Muqdisho u fidiyaan taageero siyaasiya iyo mid dhaqaale si ay ugu guulaysato waajibaadkeeda siyaasiga ah iyo kuwa amniga ah, iyo in Soomaaliya laga caawiyo dhinacyada caafimaadka, horumarka, arrimaha bulshada, korontada iyo is-gaadhsiinta, iyo weliba in dalalka carabta ee aan safaaradaha ku lahayn Muqdisho ay dedejiyaan furashada safaaradahooda ama xafiisyo diblumaasiyadeed.

In kasta oo uu ururka Jaamacadda Carabtu mawqif mucangagnimo ah ka taagan yahay qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, lana aaminsan yahay in ay ka mid yihiin caqabadaha hor-taagan in Somaliland ay garowshiyo u hesho madax-bannaanideeda, haddana tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay ee jaamacadda Carabta oo weliba heer wasiir arrimo dibadeed ahi ay si cad u soo hadal qaadaan caawimo la siinayo Somaliland, taas oo hore loogu yaqaannay in aanay magaceeda ku xusin kulamadooda iyo hadalladooda midna.