Isgedgeddiga Miisaanku Waxa Uu Khatar Ku Yahay Caafimaadka Wadnaha

23
3402

Seoul (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo lagu sameeyey dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa daahfurtay in sababaha ugu badan ee keena wadne xanuunka iyo dhiigfuranka maskaxda ay ka mid tahay, kor u kaca iyo hoos u dhaca kediska ah ee ku yimaadda miisaanka, dhiigga, heerka kalastaroolka iyo macaanka. Dr. Seung-Hwan Lee oo hoggaaminayey kooxda cilmibaadhistan ka samaysay ayaa sheegay in buurnida, dhiigga, kalastaroolka iyo macaanka oo si joogto ah kor ugu kacaa ay khatar ku yihiin caafimaadka wadnaha, sabana u noqdaan wadnaha oo si kedis shaqada u joojiya iyo maskaxda oo uu dhiig ku furmo.

Cilmibaadhe Dr. Seung-Hwan Lee waxa uu intaas ku daray in aan illaa hadda cilmi ahaan wax badan laga ogeyn sababta xidhiidhka ka dhexeeya isbed-beddelka kediska ah ee miisaanka iyo caafimaadka wadnaha, laakiin la ogyahay in uu saamayn caafimaad darro ku keeno.

Shaybaadhis iyo tijaabooyin ay Dr. Lee iyo kooxdiisu muddadii u dhexeysay sannadihii 2005 illaa 2012  ku sameeyeen warbixinaha caafimaad ee dad tiradoodu ka badan tahay 6.7 milyan oo qof, oo ka caafimaad qabay dhiigkarka, Kalastaroolka, macaanka iyo wadne xanuunka in ay muddo shan sano iyo badh ah gudahood oo uu is bedbeddel kedis ahi ku yimid miisaankooda ama heerka dhiiggooda ama kalastaroolkooda, ay dhacday in 55 kun oo ka mid ahi a yu dhinteen xanuunnada aynu soo sheegnay, halka 22 kun oo ka mid ah uu dhiigfuran maskaxda ahi ku dhacay, in ka badan 21 kun oo qofna caafimaad darro wadnaha ahi soo waajahday. Sababta ugu badan ee la ogaadayna ay tahay dadkan oo miisaankooda, dhiiggooda, macaankooda ama dufankoodu uu meel ku joogsan waayey, balse uu kor iyo hoos si kedis ah hadba dhinac ugu guurayey.

Marie-Pierre Stung oo ka tirsan xarunta caafimaadka ee Irving medical Centre oo hoos tagta jaamacadda Columbia ee magaalada New York dalka Maraykanka, ayaa mar ay ka hadashay natiijada cilmibaadhistan, waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Sida caqli fiican ku dhisani waa in dadka bukaanka ahi ay ka dheeraadaan in miisaankoodu si is-daba joog ah oo kedis ah hoos ugu dhaco, waxa aana u fiican in ay miisaanka aadka ah ee ka dhaca dib u soo ceshadaan si ay u dhowraan caafimaadka wadnahooda”

Marie-Pierre oo aan iyadu ka mid ahayn cilmibaadhayaasha daraasadda sameeyey waxa ay sheegtay in aanay fiicnayn in dadka miisaankoodu badan yahay ama aadka u buurani ay ka shaqeeyaan sidii ay si kedis ah mar keliya hoos ugu ridi lahaayeen, si aanay taasi khatar u gelin caafimaadkooda. “Waxaa fiican in ay samaystaan qorshe ay miisaanka si tartiib ah hoos ugu dhimi karaan, isla markaana ay ka dheeraadaan in miisaanka ka dhacay uu mar kale si kedis ah u fuulo” ayaa ay tidhi Marie-Pierre.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in miisaanka dheeraadka ahi uu culays badan saaro jidhka iyo unugyada kala duwan ee muhiimka ah, keenana khatarta ah in u uqofkaas ku dhaco wadne xanuun iyo faalig iyo dhiig maskaxda ku furma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here