In Qofku Uu Yahay Gooni-Joog Aan Bulshada Aad U Dhexgelin Waxa Ay Muuji Kartaa In Uu Hal-Abuur Leeyahay

43
4667

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in gooni-joognimadu ay xidhiidh la yeelan karto hal-abuurka qofka. Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan qaybta cilminafsiga ee jaamacadda Buffalo ee New York ayaa baadhis ku samaysay saddex nooc oo ka mid ah goonijoognimada iyo bulsho dhex geli waaga dadka qaar lagu arko, waxa aana u soo baxday nooc ka mid ahi uu xidhiidh la leeyahay hibada hal-abuurka aadka u sarreeya.

Juuli Bookar oo ka mid ah cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa mar ay ka hadlaysay tidhi, “Inta uu qofku ku jiro da’da carruurnimada ama kacaanka uu yahay, haddii lagu arko in uu inta badan dadka gaar uga soocan yahay, ama gooni socod yahay, waxa uu u baahan yahay la falgalka bulsho ee ay ka mid yihiin in uu taageero iyo dhiirrigelin bulshada ka helo iyo in la dhiso awooddiisa nafsiga ah ee bulsho dhexgalka, laakiin waa in aynu sida oo kalana fahannaa, sababta keenaysaba in qof bulshada uga soocmayo, si aynu u fahanno khatarta iyo dhibaatooyinka la xidhiidha ee xalka u baahan” Xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey oo tijaabo ka qaaday dad tiradoodu dhan tahay 295 oo da’doodu u dhexeyso 19 illaa 31, ayaa ogaaday in dadka aan ku fiicnayn ama jeclayn xidhiidhka bulshada, ee inta badan doorbida in ay gooni socod ahaadaan ay yihiin kuwa ugu badan ee marka dambe yeesha hal-abuurka aadka u sarreeya.

Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa intaas ku dartay in daraasaddani ay tilmaam innaga siinayso faa’idada suurtagalka ah ee ku jirta in qofku uu noqdo gooni u joog, aan bulshada aad u dhexgelin ama aan xiisayn dhexgalkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here