Imaaraadka Carabta Oo Si Diiran U Soo Dhaweeyay Madaxweyne Biixi Iyo Wada Hadalo Maanta U Bilaabmaya

0
1171

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa si diiran u soo dhawaysay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo socdaal rasmi ah oo shaqo ku jooga dalkaas.

Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi, waxaana madaarka la sudhay labada calan ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay Madaxweyne Biixi oo ku socda roogga cas ee madaxda loo dhigo ay salaan siiyeen qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee UAE.

Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka, ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi.

Waxaanay wararka soo baxayaa sheegayaan inay maanta wada hadalo rasmi ahi u bilaabmayaan Madaxweyne Biixi iyo madaxda dawladda Imaaraadka Carabta. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in dawladda Imaaraadka Carabtu Madaxweyne Biixi u soo dirtay martiqaad rasmi ah, waxaana weftigiisa ka mid ah Wasiirada macndata iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad iyo diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed. Laakiin weftiga Madaxweyne Biixi waxaan la socon oo aanay Madaxtooyadu soo hadal qaadin inuu gadaal weftiga kaga soo biiri doono Wasiirka khaarajiga Yaasiin Xaaji Faratoon oo la sheegay inuu dalka dibadiisa ku maqanyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here