Imaaraadka Carabta Oo Sheegay Inay Heshiiska Dekedda Berbera Ku Lug Lahayeen Dawladihii Hore Ee Soomaaliya

44
3354

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay heshiiska dekedda Berbera door muhiim ah ku lahayd dawladiii hore ee Soomaaliya.

Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash,ayaa qaybta Carabiga ee BBC Somalia u sheegay inaanu Imaaraadka Carabtu aqoonsanayn qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, islamarkaana ay aqoonsanyihiin midnimadii burburtay ee Soomaaliya. “Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Waxay hoos imanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah.” Ayuu yidhi, waxaanu isagoo Somaliland ka hadlaaya uu yidhi “Annagu qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xidhiidhna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalintayadu waxay ku koobnayd fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ah inaanay naga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”. ayuu yidhi.

Isagoo la hadlaaya dawladda Soomaaliya wuxuu yidhi “Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa. Ma aha in aad qabsato 47 askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamadaada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tidhaahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xidhan. Maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here