Xisbiga Waddani Oo Doortay Xoghaye Guud Oo Cusub Iyo Taariikh Nololeedkiisa

53
11040

Hargeysa (Geeska)- Shir uu shalay isugu yimi guddiga fulinta ee Xisbiga WADDANI, ayaa lagu doortay in Mudane Khadar Xuseen Cabdi Looge oo xisbigaas ka tirsani uu noqdo xoghayaha guud oo ku meel-gaadh ah. Xoghayahan guud oo beddeli doona Mudane Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo dhowaan isla guddigani xilka ka qaaday, ayaa xilka xoghayaha guud si ku meelgaadh ah u hayn doona inta la gaadhayo shirweynaha xisbigaasi ee qabsoomi doona horraanta sanadka dambe ee 2019ka.

Sida lagu sheegay warar laga helayo xarunta shirka, Khadar hortii waxaa xilka qabashadiisa ka cudurdaartay Mudane Jamaal Xaamud oo ah xoghaye ku xigeenka xisbiga, oo uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Cirro xilkan qabashadiisa u soo jeediyey.

Xoghayaha guud ee cusub ee xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi Looge, waa waa aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga ammaanka iyo horumarinta oo reer Somaliland ah. Waxa uu ku dhashay, waxbarashadiisa diinta ee aasaasiga ah, iyo dugsiga hoose, dhexe iyo sare ku dhammaystay magaalada Hargeysa. Kaddib waxa uu u wareegay dalka Ingiriiska oo uu ka bilaabay waxbarashada sare ee heer jaamacadeed. Shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda West England, waxa uu ku qaatay xidhiidhka caalamiga ah iyo siyaasadda. Waxbarashada darajada labaad ee jaamacaddana (Masters) waxa uu jaamacadda Bristol ee isla dalka Ingiriiska ku barta, Ammaanka caalamiga ah iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah. Isaga oo isla jaamacaddiisan xarunteeda daraasaadka xasiloonidarrooyinka dunida ka dhaca, (Centre for Global insecurities) ka noqday kaaliye cilmibaadhe.

Shaqooyinka bulshada rayidka ah

Khadar Looge waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha bulshada oo uu hawlo kala duwan ka qaybqaatay, waxa uu sida oo kale ka soo shaqeeyey hay’ado iyo ururrada bulshada rayidka ah; waxa uu lataliye ka noqday xarunta Somali Resource Centre oo ku taalla dalka Ingiriiska, waa uu isuduwe ka noqday hay’adda Transparency solutions, madaxa waaxda qiimaynta khatartaha amniga ee Horn Risk Management Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu lataliye dhinaca siyaasadda ah u noqday Aktis Strategies, iyo shirkadda Telesom oo uu hore uga soo shaqeeyey ka hor intii aanu waxbarashada dibadda u bixin.

Barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee uu Mudane Khadar curinteeda lahaa ama qayb ka ahaa waxaa ka mid ah: ‘Mashruuca rumaynta riyada ubadka danyarta ah, sannadkii 2015 ka, oo ubad danyar ahi ay ka heleen waxbarasho iyo daryeel bilaa lacag ah iyo mashruuca ‘Somaliland First’ oo ahaa hindise lagu horumarinayey in mashaariicda horumarinteed ee lagu caawinayo Somaliland, laga dhigo kuwo ay hoggaminayaan, fikirka iyo halka wax laga qabanayana leeyihiin muwaadiniinta Somaliland.

Siyaasadda

Mudane Khadar Looge oo afka hooyo ka sokow ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabigu waxa uu markii ugu horreeysay siyaasadda ka soo galay xisbiga UCID oo uu sannadkii 2003 ku biiray, kaddibna golaha fulinta ee xisbiga ku biiray sannadkii xigay ee 2004. Xilalka kale ee uu xisbiga ka soo qabtay waxaa ka mid ahaa xoghayaha arrimaha bulshada oo uu dhowrsano hayey, ka hor intii aanu u wareegin dalka Ingiriiska oo uu ka mid noqday masuuliyiinta xisbiga ee dalkaas, laakiin sannadkii 2010 ka ayaa uu ka tegey xisbiga UCID. Laba sano kaddib, Mudane Looge waxa uu sannadkii 2014 ka ku biiray xisbiga WADDANI oo uu noqday lataliye guddoomiye iyo sida oo kale xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga.

Shalay 18 kii Abriil 2018 ayaa golaha fulinta ee xisbiga WADDANI ay mudane Looge u doorteen in uu noqdo xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, waxa aanu xilkaas hayn doonaa inta laga gaadhayo shirweynaha xisbiga oo uu xilkani ka mid noqon doono kuwa tartanka loo gelayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here