Ilmo Yar Oo Ku Guulaystay In Uu Qaadhaan $ 6 Kun Oo Ah 2 Saac Gudahood Ugu Ururiyo Walaalkii Oo Buka

33
3723

Washington (Geeska) Wiil sagaal sano jir ah oo u dhashay gobalka Carolina ee Koonfurta dalka Maraykanka ayaa awooday in uu laba saacadood gudahood ku ururiyo 6 kun oo doolar oo qaadhaan ah. Andrew Emery, oo doonayey in uu waalidkii ka caawiyo bixinta kharashka lagu daweynayo walaalkiisa ka yare e Dylan oo qaba cudurka Krabbe oo ah xaalad neerfeed mar la arag ah oo inta badan loo dhinto.

Dabayaaqadii bishii shanaad ee ina dhaaftay ayaa Andrew Emery uu muddo laba saacadood ah uu suuq ay deggen yihiin wakaaladaha iibka gaadiidka la soo isticmaalo, waxa uu dhex dhigtay miis uu saaray tallaagadda gacanta lagu qaato oo uu ku dhaamiyey cabbitaan liin dhanaan ah, iyo waraaqo xabag leh (Sticker) oo ay xarfo iyo sawir-gacmeeddo kala duwan ku soo xardheen isaga iyo saaxiibbadii. Wiilka iyo dhowr ka mid ah saaxiibbadii oo uu u soo kaxaystay in ay caawiyaan ayaa soo xidhay garamo ay ku qoran yihiin #TeamDylan, waxa aanay miiska dul saareen warqad weyn (Boodh) oo ay dusha kaga qoreen, ‘Si aad u caawiso Dylan, Iibso Liin dhanaan iyo Istiikar’.

Arrintan oo dareenka dadka aad u taabatay ayaa sababtay in dadku ay iibsadaan cabbitaankan iyaga oo bixinaya lacag ka badan inta iibkeedu noqonayo oo qaadhaan ah. Waxa aanu Andrew muddo laba saacadood gudahood ah ku ururiyey lacag dhan 5’860 doolarka Maraykanka ah, halka internet ka oo qaadhaan ururinta wiilkan la geliyeyna keentay in maalintii labaad 1300 oo doolar oo kale la soo ururiyo.

Wiilkan yar oo ka hadlayey sida uu u isticmaali doono lacagtan uu ururiyey ayaa sheegay in uu badhkeed ku bixin doono kharashka daweynta walaalkii, badhna ugu iibin doono qalab uu ku ciyaaro wiilka yari. “Keliya in aan walaalkay caawiyo ayaa aan doonayaa” ayaa uu yidhi Andrew, oo markan uu qaadhaan ururinta samaynayey, ay labadiisa waalid wiilka xanuunsanaya kula maqnaayeen cisbitaal xaaladdiisa la tacaalaya. Hooyadii oo ka hadashayna waxa ay sheegtay in lacagta uu ururiyey ay ahayd keliya dareen ka dhashay jacaylka uu u qabo wiilkooda xanuunsanaya, oo ah ilmaha keliya ee uu la dhashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here