Fasyal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xaalada Itoobiya, Sheegayna In Hargeysa Lagu Martiqaaday Mr Qalbi-Dhagax

37
3605

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo ka soo laabtay Ceel-afweyn ayaa ka hadlay nabadaynta deegaanadaas ay ergooyinka tirada badan u tageen.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe sida oo kale soo dhaweeyay heshiiska iyo nabada ay wada qaateen Itoobiya iyo Elatariya, isaga oo dhaliilay madaxweynaha Kilidhka Shanaad ee Itoobiya, isla markaasna sheegay inuu Hargeysa ku casuumi doono Cabdikariin Qalbi-dagax.

Guddoomiyaha Eng.Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlaayay Hargeysa waxa uu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ka soo noqday Ceel-afweyn, halkaas oo ay ergooyin badani yimaadeen oo isug jira culimi qiimo leh iyo beelii reer Somaliland oo ergooyin ah mudakarkoodii, waan tahniyadaynayaa dadka ka yimi meheradahoodii,xaasaskoodii, caruutoodii ee heshiiska u yimi, waxaanay dabaqayaan amarkii alle ee uu yidhi hadii laba dhinac ay is qabsadaan aslaaxiya dhexdooda.”

Waxa uu ka hadlay isbadalka Itoobiya “Waxaan tahniyadaynayaa raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Itoobiya iyo Somaliland dhiig iyo dhal ayaa ka dhaxeeya, 400 Km ayaynu wadaagnaa, dadkeena 60% halkaas ayay degaan,kiiniya iyo Somaliyana waa isku qolo Somaliland,Itoobiya iyo Jabuutina waa isku qolo oo lama kala garanaayo, kilidhaka shanaadna waxaan jeclahay in aanu soo celino wada dhalashadii iyo wanaagii, waxaanu jecelnahay inaan halkan ku casuuno Qalbi-dhagax oo ay Muqdisho dhiibtay, sidii aanu Bile Rafle u casuunay ayaanu u casuumaynaa.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ka hadlay dhawaan hadalkii madaxweynaha kildhka shanaad uu ku sheegay in lagu qasbay dhibta dadka “Waan ka xumahay in madaxweynii Kililka shanaad inuu yidhaahdo dadkayga waxaan u laynaayay waa lay amraayay, Soomaalidu waxay tidhaahdaa falaadhi gilgilasho kaagama go’do, ninka kaliyaata ee ninkaas sheegay ayaan ahay kuwii iga daba hadlaayay ee i caayaayay ee cumaamadaha sitay khayar laawayaasha ah, tii Jeejniya ka socotay ee ninkii ka madaxda ahaa uu Ruushku ku yidhi waxaad doonto sameeyoo yaanan muslim arkin, in lagu amraayay iyo in kaleba maxkamadaha ayaa cadayn doona. Waanu soo dhawaynayaa ONLF iyo heshiiska ay samaysteen, ka ay Elatariya iyo Itoobiya ay samaysteen waanu soo dhawaynaynaa, geeskana waxaanu doonaynaa inaanu nabad ka dhigno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here