Hoggaankii Caafimaadka Ee Booliska Oo Khamiistii Xabsiga Laga Soo Daayay

0
538

Hargeysa(Geeska)-Hoggaankii caafimaadka ee ciidanka Booliska Somaliland oo muddo dhawr bilood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, ayaa khamiistii la sii daayay.

Gaashaanle sare Dr. Maxamed Cali Oday, waxa la qabtay badhtamihii bishii November ee kal hore, iyadoo xadhigiisa lagu xidhiidhiyay weerarkii lagu qaaday guddoomiye xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed. Dr. Oday ayaan wax maxkamad ah la horgaynin mudadaas uu xidhnaa.

Dr. Oday, waxa ay isku qoys ka soo jeedaan raggaas lagu eedeeyay weerarka Maxamed Kaahin Axmed, isagoo wakhtigaas uu weerarku dhacay ku sugnaa hoteelka uu weerarku ka dhacay. Waxaana wakhtigaas lala xidhay Oday Xaashi Muuse oo isaga maalmo ka dib la soo daayay.