Haweenka Wadaadada Kiristaanka Ah Ee Soorooyinka Loo Yaqaanno Oo Ku Cawday In Kaniisaddu Ku Danaysato

34
2817

Roma (Geeska)- Tiro haween ah oo ka tirsan soorooyinka kaniisadda Kaatoligga looga arrimiyo ee Faatikaanka ayaa si aad ah u dhaliilay ku danaysi diinta loogu soo gabbanayo oo ay sheegeen in ay ku qabaan golaha loo yaqaanno golaha barakaysan, oo ah golaha wadaadada uu baadariga boobku ugu sarreeyo ee hoggaamiya kaniisadda Faatikaanka. Soorooyinkan ayaa sheegay in ay wadaadada kala duwan u qabtaan shaqooyin badan oo xitaa in guryahooda laga shaqeeyaa ku jirto, iyada oo aan lagu siinin wax abaal ah, adduun iyo odhaah san oo niyadda u dhista midna.

Soorooyinkan oo ka tirsan kaniisadda Faaticaanka ayaa go’aansaday in ay aamuska iska daayaan oo ay farta ku fiiqaan ku shaqaysiga ay ku qabaan kaniisadda. Maari oo labaatan sano ka hor ka timid Afrika, ayaa ka mid ahayd soorooyinka ka hadlay arrintan, “Qaar ka mid ah walaalaha, u adeega ragga kaniisadda, ayaa waaberiga toosa si ay quraacda ugu diyaariyaan, in ay dhinac hurdo dhigaanna waxaa u xigta marka ay marka ay cashada siiyaan wadaadadaas. Inta u dhexeysana waxa ay ku hawlan yihiin shaqo, dharmaydhis iyo kaawiyadi ka mid tahay” ayaa ay tidhi Maari, oo intaas ku sii dartay, “Soorooyinkan lama siiyo waqti go’an iyo nidaay ay shaqadan ku qabtaan, sida ay yihiin dadka ka shaqeeya dunida calmaaniga ahi, lamana siiyo wax abaal marin ah” Maari waxa ay ku cabatay in xitaa aan soorooyinkaas loogu yeedhin in ay ka qaybgalaan casuumadaha ama ay cashada la cunaan kuwa ay u adeegeen.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Euro News ayaa laga digay in aakhirka ay dhici karto in ay gadood sameeyaan dumarka soorooyinka ah ee kaniisadaha oo sida ay wadaadada masiixiyiintu ula dhaqmaan ay tahay quudhsi loo arko oo keliya in ay yihiin nadiifiyeyaal iyo cuntokariyeyaal, aan adduun iyo abaal midna loo haynin.

Kaniisadda Faaticaanka iyo guud ahaan kiristaanka ayaa lagu eedeeyey in ay xadgudub ku sameeyaan xuquuqda haweenka, laguna yaqaanno habdhaqan aan simayn ragga iyo dumarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here