Haddii Aad Ka Shakiday In Cidi Ay Jabsatay Xisaabtaada Faceboo, Sidan Fudud Baad Ku Hubin Kartaa Runta

22
3187

Hargeysa (Geeska)- Waxaa si joogto ah looga warramayaa budhcadda internet ka oo jabsatay xisaabaadka gaarka ah ee ay dadku ku leeyihiin baraha bulshada, iyo sida oo kale xisaabaha shirkadaha iyo dawladaha kala duwan. Waxaa u dambeeyey horraantii bishii ina dhaaftay ee Sabtembar markii ay masuuliyiinta Facebook ku dhawaaqeen in la jabsaday xiisaabaha ay Facebook ku leeyihiin qiyas ah 50 milyan oo macaamiishooda ka mid ah. Sida oo kale malaayiin macaamiisha shirkadda ka mid ah ayaa markii ay isku dayeen in ay sida caadiga ah u galaan xisaabtooda, in uu ku soo baxay dalab ay shirkaddu kaga dalbanayso in ay dib u geliyaan furaha sirta ah ee ay marka hore ku isticmaali jireen. Dhacdadaasi waxa ay shirkadda Facebook u soo jiidday hoos u dhaca dhinaca magaca ah iyo hoos u dhac  ku yimi iibka saamiyada shirkadda, waxa aana soo gaadhay khasaare lagu qiyaasay 13 milyan oo doolar. Haddaba wararkaas ayaa dad badan ku abuura shaki ah in iyaga laftigooda xisaabtooda la jabsan karo oo iyaga oo aan ogeyn ay cid kale la isticmaali karto. Haddaba si aad u hubiso in tuugta internet ku ay dhinaca kale kaga jirto xisaabtaada Facebook, raac tallaabooyinka hoos ku qoran oo ah kuwo isticmaalkoodu fudud yahay si fududna arrintan kuugu iftiiminaya.

Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa hab ay ku hubin karaan in akoonkooda Facebook ay cidi gashay.

Shaqo fudud

Sida uu ku warramay wargeyska Wall Street Journal waxaa jira hab aad u fudud oo qofka u suurtagelinaya in uu ogaado in cid aanu garanaynin ama isagu furihiisa sirta ah siinin uu la isticmaalo facebook-giisa.

Qofka doonaya in uu hubiyo in isticmaalka xisaabtiisa Facebook ay isaga keli u tahay, keliya waxa u raacayaa tallaabooyinkan:

– Waxa aad gashaa qaybta rakibidda ‘Settings’

– Waxa aad sii doorataa khaanadda ay ku qorantahay ‘Nabadsugidda iyo diiwaangelinta’

Marka qofku labadan tallaabo oo keliya qaado, waxaa u daaqad ay ku qoranyihiin kombiyuutarrada ama qalabka kale ee Facebook giisa laga soo galay. Liiskaas ayaa uu ka dhex eegayaa in uu ku jiro kombiyuutar ama qalab kale oo aanu garanayn oo laga soo galay facebookgiisa.

Haddii uu qofku ku arko in taleefan, kombuutar ama qalab kale oo aanu garanayn ama ogolaan cidda isticmaalaysaa ay akoonkiisa Facebook gaashay, waxa uu si dhaqso ah u dooranayaa batamka ay shaqadiisu tahay in uu dadka kale oo dhan ka jaro gelitaanka xisaabta, mar labaadkana waxa uu dhaqso u beddelayaa furihiisa sirta ah. Waxaa iyaduna muhiim ah in uu furihiisa sirta ah ka dhigo mid ka kooban xarfo, tirooyin iyo calaamado si ay u adkaato in la jabsadaa.

Talo muhiim ah

Si aad uga feejignaato in akoonkaaga Facebook la jabsado waxaa muhiim ah in aad isticmaasho adeegga facebook ee digniinta ah, kaas oo marka qof kale galo xisaabtaada farriin uu qofkaas ku sheegayo u soo tirayo email ka ama taleefanka ku xidhan Facebook gaaga. Illaa aad adigu fasaxdana aanu qofkaas u ogolaanayn in uu galo xisaabtaada facebook.

Mulkiilaha Facebook

Aasaasaha shabakadda Faceboo, oo isla markaana ah agaasimaheeda fulinta Mark Zuckerberg ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku qoray, “Waxaa nagu socda weerarro sugan, oo ka imanaya dad doonaya in ay qabsadaan akoonnada ama ay xadaan xogaha daafaha dunida oo dhan. Waxa se aan ku faraxsanahay in aanu ogaannay arrintaas, oo aanu iska daboolnay goljilicdii, sugnayna badbaadada akoonnada laga yaabo in ay marka hore khatar waajahayeen. Runtii waa in aanu sii wadno horumarinta farsamooyin cusub oo ka hortegi kara in ay tani dhacdo”

Dhinaca kalana shirkadda Facebook waxa ay sheegtay in godka budhcadda u fududeeyey in ay Facebook jabsan karaan uu yahay isbeddel yar oo marka hore shirkaddu sannadkii 2017 ka ku samaysay adeegga soo dejinta fiidyowyada ku jira Facebook. Waxa kale oo ay shirkaddu caddaysay in budhcadda ay u suurtagashay in ay xadaan fureyaasha gelitaanka, oo ah fureyaal elektarooni ah oo qofka adeegsada u fududaynaysa in uu galo Akoonnada Facebook lagu leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka waaxda maamulka waxsoosaarka ee shirkadda Guy Rosen ayaa isaguna sheegay dhicitaanka arrintan iyo tallaabada ay qaateen oo ah in ay garsoorka u gudbiyeen dacwad ay ku dalbanayaan baadhitaan, “Waxaa iska cad in dadka weerarka soo qaaday ay ka faa’iidaysteen cillad dhinaca fureyaasha ammaanka ah ee Facebook ku dhacday. Waa aanu hagaajinnay arrintaas, waxa dhacayna waxa aanu gaadhsiinnay garsoorka”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here